DEG-DEG: Mid Kamida Xiddigaha Ugu Mustaqbalka Fiican Chelsea Oo Koox Premier League Ah Tijaabada Caafimaadka U Maraya

Da’yarka khadka dhexe ee kooxda Chelsea ee Billy Gilmour oo loo arko mid kamida xiddigaha mustaqbalka weyn ku leh Stamford Bridge ayaa lagu soo warramayaa inuu qaab amaah ah ugu biirayo kooxda dhawaan Premier League usoo dalacday ee Norwich City.

Toddobaadkii hore ayay ahayd markii wargeyska The Sun uu shaaciyay in Gilmour ay saxeexiisa ku raad joogto Norwich oo u muuqata mid isku dhisaysa sidii ay uga soo dhalaali lahayd PL.

Image

Gilmour ayaa ahaa mid kulamada la ciyaarsiiyo isku soo muujiyay tan iyo markii uu tababare Frank Lampard ciyaartiisii ugu horreysay safay.

20 sano jirkaas ayaa xataa helay kalsoonida tababaraha xulkiisa Scotland ee Steve Clarke kaas oo u qaatay tartanka Euro 2020 oo kulankii ay kahor tageen England uu ku guuleystay abaalmarinta ciyaaryahankii ugu fiicnaa ciyaartaas.

Xiddigan hore uga soo tirsanaa akaademiga kooxda Rangers ayaa boosaska khadka dhexe ee Chelsea kula loolamayay Jorginho iyo Mateo Kovacic balse haatan kanaalka Sky Sports ayaa xusaya inuu aqbalay heshiis hal sano ah oo uu Norwich amaah ugu maqnaanayo.

Gilmour ayaa ahaa mid laga helay caabuqa Korona kahor kulankii uu xulka Croatia guusha 3-1 ka ah ka gaadhay Scotland.

Gilmour ayaa loo qabtay inuu 10 maalmood karantiin ku jiro balse waxa la filayaa inuu tijaabada caafimaadka u maro Norwich marka uu wakhtigaas dhammaysto.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*