RASMI: Mid Ka Mid Ah Xiddigihii Liverpool Badbaadiyey Xilli Ciyaareedkii Hore Oo Tegay Koox Kale

Liverpool ayaa xaqiijisay inuu ka tegay mid ka mid ah xiddigihii kooxda la baxsaday naadiga xilligii adkaa ee ay dhaawacyadu kala daadiyeen kooxda, isla markaana waqtiga badan loo diray Virgil van Dijk, Joe Gomez iyo Joel Matip.

Reds oo xagaagan lasoo saxeexatay difaaca Faransiiska ah ee Ibrahima Konate ayaa waxay keentay in boos la’aani ku dhacday Rhys Williams oo difaaca dhexe iyo dhinaca midig intaba uga ciyaaray Liverpool waqtigii adkaa xilli ciyaareedkii hore, waxaanay Liverpool ku dhawaaqday in laacibkani uu tegay Swansea City oo heerka labaad ee Ingiriiska ka ciyaarta.

Williams 1

Rhys Williams oo ay da’diisu tahay 20 jir ayay Liverpool ku bixisay amaah sannad ah kaddib markii uu qalinka ku duugay heshiis cusub oo shan sannadood ah, iyadoo kusoo noqon doona Anfield marka uu soo dhamaado sannadka amaahda ahi.

Liverpool ayaa aaminsan in Rhys Williams uu khibrad badan iyo waayo aragnimo kasoo heli doono heerka labaad ee Championship-ka xilli ciyaareedka uu ku maqan yahay, waxaana booska uu banneeyey buuxinaya Nat Phillips oo isagu kusii negaanaya Reds.

Nat Phillips oo 24 jir ah ayaa isaguna maanta oo Salaasa hayd waxa uu saxeexay heshiis  cusub oo afar sannadood ah, waxaanu kydka u fadhiyi doona Virgil van Dijk, Joe GOmez, Joel Matip iyo Ibrahima Konate halka Williams uu isagu u baahday waqti uu kooxda bannaanka uga baxo.

Xilli ciyaareedkii tegay waxa uu Williams u saftay Liverpool 19 ciyaarood oo dhamaan tartamada ah, waxaana lagu aaminay inuu difaaca dhexe iyo dhinaca midig ba istaago markii cid ka ciyaarta la waayey ee xiddigaha waaweyn ay dhaawacyadu soo gaadheen.

Xilli ciyaareedkii 2019-20 ayuu ayay Liverpool amaah ugu dirtay kooxda Kidderminster ee heerka labaad, waxaana waayo aragnimadii uu kasoo helay ay keentay in toban ciyaarood oo ugu dambeeyey xilli ciyaareedkii hore ay si heersare ah iskula jaan-qaadn Phillips kuwaas oo ka caawiyey Reds inay kaalinta saddexaad kaga dhamaysato horyaalka Premier League.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*