DEG-DEG: Maxkamadda Sare Ee Brazil Oo Go’aan Ka Gaadhay Copa America – Miyaa La Baajiyey Tartanka Sannadkii 2aad Oo Xidhiidh Ah?

Maxkamadda sare ee waddanka Brazil ayaa soo saartay go’aanka dacwad loo gudbiyey oo ka dhan ahaa in dalkaasi martigeliyo tartanka Copa America, kaas oo abuuray khilaaf badan oo ay ciyaartoyda, siyaasiyiinta iyo xisbiyada mucaaradkuba ku lug yeesheen.

Xidhiidhka kubadda cagta CONMEBOL ayaa toddobaad ka hor waxay tartanka Copa America kasoo wareejiyeen Colombia iyo Argentina oo hore u martigelinayay, waxaana sababta lagu sheegay Fayraska Korona iyo deggenaan la’aan siyaasadeed oo ka jirta halkaas.

Madaxweynaha Brazil ee Jair Bolsonaro ayaa isuna naf ahaantiisa tilmaamay in aanu ku faraxsanayn martigelinta tartankan, balse xaqiiqada ayaa ah inuu isagu yahay midka ogolaaday sababtoo ah, isaga ayaa ah madaxweynaha waddanka.

Inkasta oo garoomo madhan oo aanay taageereyaal joogin lagu ciyaarayo, haddana waxa la rumaysan yahay in dadka Brazil ee ay kubaddu madaxa-martay aan la xakamayn kari doonin oo ay iskugu iman doonaan goobo shaashado ah oo ay kubadda ka daawadaan.

In badan oo dadka dalkan ah oo ay haystaan duruufo adag oo nololeed ayaan awoodin inay guryahooda ka daawadaan, waxaanay da’yartoodu u bixi doonaan bannaanka gaar ahaan xaafadaha isku-raranta ah ee cooshada ka samaysan ee Rio de Janeiro iyo magaalooyinka kale.

Tartankan oo dib loo dhigay sannadkii hore ee 2020 sabab la xidhiidha Fayraska Korona ayaa mugdi ku jiray toddobaadyadii ugu dambeeyey, waxaana go’aankii ugu dambeeyey hadda kasoo saartay maxkamadda sare ee Brazil.

Kiiskan loo gudbiyey maxkamadda oo ay wasaaradda ciyaaraha ee dalkaasi ka dalbatay xaakimka ugu sarreeya inuu go’aan kama dambays ah kasoo saaro haddii dalkaasi martigelinayo tartanka iyo haddii kale, ayaa waxay maxkamaddu go’aamisay in tartanka lagu ciyaari karo dalka, laakiin ay tahay in la qaado tallaabooyinka caafimaad ee lagama maarmaanka ah iyo hab-raaca lagu ilaalinayo faafidda fayraska Korona.

Brazil ayaa ah dalka labaad ee dunida oo dhan ugu dhimashada badan Fayraska Korona waxaana u geeriyooday in ka badan 475,000 qof, kaliya Maraykanka ayaa ka dhimasho badan.

Tartanka Copa America ayaa bilaabmi doona Isniinta June 13 oo ah saddex maalmood kaddib waqtiga uu bilaabmayo Euro 2020.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*