DEG DEG: Martin Odegaard Oo Go’aan Rasmi Ah Ka Qaatay Ku Biiritaanka Arsenal

Xiddiga khadka dhexe ee Real Madrid Martin Odegaard ayaa si rasmi ah u shaaciyay goordhaweyd inuusan dib ugu laaban doonin Arsenal oo uu amaah ku joogay xilli ciyaareedkii la soo dhaafay.

Inkastoo ay Gunners dooneysay inay si rasmi ah u la saxiixato Odegaarad hadana xiddiga Norway ayaa niyadjabiyay jamaahiirta Gunners isagoo iska diiday inuu si joogta ah ugu wareego kooxda reer London.

Warbixin uu soo saaray goor dhaweyd ayuu ku xaqiijiyay inuusan dib ugu biiri doonin Arsenal, iyadoo qorshaha uu yahay inuu baaqi ku ahaan doono Real Madrid, kuwaasoo qorsheynaya inay iska iibiyaan Isco.

Odegaard ayaa yiri: “Arsenal waad ku mahadsan tihiin lixdii bilood aan idiin la joogay. Waqtigii aan la qaatay qoyska Arsenal waxay meel gaar ah ka geli doontaa qalbigeyga.

“Waxaan doonayaa inaan u mahadceliyo qof walba oo kooxda ka tirsan oo ii muujiyay inaan qeyb ka ahay qoyska tan iyo maalintii ugu horeysay.

“Waxaan si gaar ah ugu mahadcelinayaa taageerayaasha, inkastoo aydan joogin garoonka inta badan xilli ciyaareedka, laakiin taageeradiina waan dareemay.

“Waxaan si weyn ugu mahadcelinayaa tababaraha iyo shaqaalihiisa wax walba oo aan ka bartay intii aan joogay.

“”Waxaan sidoo kale u mahadcelinayaa ciyaartoyda kooxda oo aan waqti fiican isla qaadanay. Waan idiin xiisi doonaa dhamaan.

“Mahadsanidiin, qoyska Gunners. Mar walba qalbigeyga ayaad ku jirtaan.”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*