DEG-DEG: Man United Oo Saxeexii Labaad Laba Maalmood Gudahood Shaacisay & Booska Uu Ka Ciyaaro

Kooxda Manchester United oo u muuqata mid aad ugu mashquulsanayd suuqa kala iibsiga maalmihii ugu dambeeyay ayaa haatan shaacisay saxeexii labaad laba maalmood gudahood.

Red Devils oo shalay si rasmi ah u xaqiijiyay saxeexa Jadon Sancho oo lacag 72 Milyan oo pound ah ugaga soo biiraya Borussia Dortmund ayaa markana ku dhawaaqay saxeexa goolhaye Tom Heaton.

IMG 20210702 140659

Heaton oo qaab bilaash ah kaga yimid dhinaca Aston Villa ayaa kusoo laabtay Man United oo ahayd kooxdii uu waayihiisa ciyaareed kasoo bilaabay oo uu isaga oo yar ka baxay.

35 sano jirkaas oo goolhaye kaabis ah noqonaya ayaa heshiis ilaa 2024 gaadhsiisan qalinka ugu duugay Man United.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*