DEG DEG: Man United Oo Ka Baxday Ururkii Kooxaha Yurub, Arsenal Oo Ku Dayatay & Ed Woodward Oo Iska Casilay Jagadiisii UEFA

Kooxda Manchester United ayaa ku dhawaaqday goor dhaweyd inay isaga baxday ururka kooxaha Yurub ee European Club Association (ECA) oo ay xubin firfircoon ka aheyd.

Sidoo kale madaxa maamulka Manchester United Ed Woodward ayaa iska casilay jagadii uu ka hayay xiriirka kubada cagta Yurub ee UEFA. Ed Woodward ayaa ahaa xubin fircoon oo ka tirsan guddiga istiraatiijiyada ee UEFA.

Talaabada ay qaaday Manchester United ayaa ka danbeysay ka dib markii ay ka mid noqdeen 12 kooxood oo sameysanaya tartan weyn oo loo bixiyay European Super League kaasoo ka go’aya tartamada Yurub ee haatan jira.

Lixda kooxood ee ugu waa weyn Premier League ee kala ah Liverpool, Man United, Arsenal, Chelsea, Man City & Tottenham, seddexda kooxood ee ugu waa weyn Spain ee Real Madrid, Barcelona iyo Atletico Madrid iyo seddexda ugu waa weyn Italy ee Juventus, Inter iyo AC Milan ayaa ku dhawaaqay inay yihiin aasasayaasha tartanka cusub ee European Super League.

12ka kooxood rajeynaya inay sida ugu dhaqsiyaha badan u qabtaan tartan 20 kooxood oo waa weyn ay ka qeybgaleyso sannad walba si loo badiyo daawashada iyo lacagta ka soo xaroota kubada cagta.

UEFA iyo FIFA ayaa si xoogan uga soo horjeestay qorshahaan iyagoo ku hanjabay in kooxahaan laga saari doono horyaalada ay ka ciyaaraan, tartamada Yurub iyo tartamada caalamiga ah.

Waxay xitaa u hanjabeen ciyaartoyda kooxahaan in laga mamnuuci doono inay u dheelaan xulalkooda qaranka mustaqbalka.

Laakiin Man United ayaa u muuqata sida Juventus inaysan goor dhow ka laaban doonin go’aankooda iyagoo isaga baxay ururka ay ku mideysnaayeen kooxaha Yurub ee ECA halka Ed Woodward uu iska casilay shaqadii uu u hayay UEFA.

Arsenal iyo Tottenham ayaa iyagana isaga baxay ururka ECA iyadoo weli aysan ku dhawaaqin inay ururkaas ka baxeen kooxaha Liverpool, Chelsea iyo Manchester City.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*