DEG-DEG: Man United Oo Heshiis La Gaadhay Jadon Sancho & Jawaabta Dalabkii Ugu Horreeyay Ee Ay Dortmund U Gudbisay Maanta

Kooxda Manchester United ayaa maanta horumar ka samaysay heshiiska ay ku doonayso saxeexa garabka weerar ee Borussia Dortmund ee Jadon Sancho oo ay doonayeen inay la wareegaan ilaa xagaagii sanadkii hore ee 2020.

Dortmund iyo Manchester ayaa sanad kahor isku fahmi waayay lacagta ay kula kala wareegayaan Sancho xilli ay kooxda ree Germany 120 Milyan oo pound ku doonaysay iibka ciyaaryahankeeda.

Image

Sida uu sheegayo saxafiga caanka ah ee Fabrizo Romano, Man United ayaa haatan heshiiska shaqsiga ah la gaadhay Sancho, ciyaaryahanka ayaan wax dhibaatooyin ah abuurayn marka ay noqoto dhinaca heshiiska isaga oo ogolaaday qandaraas ilaa 2026 ah.

Wadahadalada labada kooxood ayaa la filayaa inay hadda si rasmi ah u bilawdaan, Borussia Dortmund ayaa doonaysa lacag 82 Milyan oo pound ah.

Dhinaca kale wargeyska The Bild ee ree Germany ayaa sheegaya in Red Devils ay maanta gudbiyeen dalabkii ugu horreeyay oo ah 59 Milyan oo pound.

Dortmund ayaa la filayaa inay si deg-deg ah usoo diido dalabkaas maadaama oo ay doonayaan 82 Milyan oo pound oo lagu daray lacago gunnooyin ah oo shuruudo ku xidhan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*