DEG-DEG: Man United Oo Heshiis Cusub Ka Saxeexatay Xiddigii Kooxdeeda Ee Qandaraaskiisu Dhacay Habeen Hore

Kooxda Manchester United ayaa heshiis cusub oo hal sano oo kale ah ka saxeexatay khadkeeda dhexe ee Juan Manuel Mata kaas oo kooxda kasoo tirsanaa tan iyo sanadkii 2014 markaas oo uu kaga biiray dhinaca Chelsea.

Tan iyo markii uu January 2014 Old Trafford kaga yimid dhinaca Stamford Bridge ayuu Mata 273 kulan usoo ciyaaray Red Devils isaga oo 51 gool usoo dhaliyay.

Image

Goolasha uu usoo dhaliyay Red Devils ayay ugu xusid mudan yihiin laba gool oo uu Anfield kaga soo dhaliyay Liverpool 2015 iyo gool uu bar-bardhaca ugu keenay Final-kii FA Cup ee 2016 markaas oo uu ka caawiyay inay wakhti dheeri ah la gaadhaan Crystal Palace kagana guuleystaan horyaalka.

Mata oo lagu naanayso sixiroolaha ayaa ah mid ku wanaagsan garoonka dhexdiisa iyo banaankiisaba, xiddigan ay ixtiraamka badan u hayaan xiddigaha ay koox wadaaga yihiin ayay mid kamida sababaha waaweyn ee ay kooxdiisu wali u haysataa tahay inuu muhiim u yahay da’yarta kooxda oo wax badan ka faa’ida.

Xiddiga kusoo guuleystay koobka aduunka ayaa ah mid saamayn ku leh safka da’yarta u badan ee tababare Ole Gunnar Solskjaer waana sababta uu kalsoonida macalinka ree Norway ku haysto.

Juan ayaa kaliya 18 kulan usoo ciyaaray Manchester xilli ciyaareedkii hore isaga oo ku dhibanaa arrimo shaqsi ah inta badan balse kamid ahaa lix xiddig oo kala duwan oo ciyaaryahanka bisha ee kooxdaas kusoo guuleystay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*