DEG-DEG: Man City Oo Heshiis Cusub Ka Saxeexatay Xiddigii Kooxdeeda Ee La Filayay Inuu Baxo Berri

Kooxda Manchester City ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay heshiis cusub oo hal sano oo kale ah ka saxeexatay kabtankeeda Fernandinho kaas oo heshiiskiisii hore uu dhacayay maalinta berrito ah ee taariikhdu tahay 30-ka bisha June.

Fernandinho ayaa ahaa mid ay dalabaad kasoo gudbiyeen kooxo badan oo ka ciyaara South America balse tababare Pep Guardiola ayay ka go’nayd inuu kusii haysto Etihad Stadium.

Image

Fernandinho ayaa ahaa mid sanadkii 2013 Man City kaga soo biiray dhinaca kooxda Shakhtar Donestk, waxa uu bedel ku yimid kulankii Final-ka Champions League oo ahaa mid ay guuldarro 1-0 ah kala kulmeen Chelsea.

Hadalka Fernandinho ayaa laga dareemi karayay kaddib heshiis kordhintiisan inuu doonayo inuu koobkaas kula guuleysto City maadaama oo uu sheegay inaysan shaqadiisa Sky Blues wali soo dhammaan.

“Madaxayga iyo maskaxdayda dhexdooda wali shaqadu kamay dhammaan sidaas darteed taasi waa sababta aan u go’aansaday inaan halkan joogo sanad kale oo aan isku dayi inaan ka caawiyo safka iyo kooxdaba hadafyada ay doonayaan inay gaadhaan”

Fernandinho ayaa koobabka maxaliga England oo dhan kusoo guuleystay mudada uu la joogay City waxaana kamid ah afar Premier League iyo lix Carabao Cup.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*