DEG-DEG: Madaxweynaha FIFA Oo Caddeeyay Go’aankiisa European Super League – Miyuu La Saftay Mise UEFA Ayuu La Jiraa?

Madaxweynaha hay’ada ugu sarreysa kubadda cagta ee FIFA Mr Gianni Infantino ayaa shaaca ka qaaday go’aankiisa ku aadan horyaalka cusub ee ay sameeyeen 12 kamida kooxaha ugu waaweyn qaarada Yurub kaas oo ay ku magacaabeen European Super League.

Dhawaan ayay ahayd markii 12-kaas kooxood ay sheegeen inay iskaga tagayaan nidaamka xidhiidhka kubadda cagta Yurub ee UEFA ee Champions League oo ay samaysan doonaan horyaal iyaga u gaar ah oo ay lacagtiisa oo dhana kaligood qaybsan doonaan.

Who We Are - News - Statement from FIFA President Gianni Infantino - FIFA.com

UEFA ayaa ugu hanjabay kooxaha iyo xiddigaha ka qayb galaya tartankaas inay ciqaabo kala duwan marin doonaan iyaga oo kooxaha ka saaraya horyaalada isla markaana ciyaaryahanada ka ganaaxaya kulamada caalamiga ah.

Infantino oo ka hadlay kulan weyn oo ay UEFA yeesheen ayaa sheegay inay FIFA si adag uga soo horjeedo mashruuca ay wataan kooxaha iyo mulkiilayaasha tijaarta ahi isaga oo garab istaagay UEFA.

“Anagu waxaanu kaliya si adag u diidaynaa Super League oo ah tukaan xidhan kaas oo ka go’ay hay’adaha hadda jira” ayuu ugu horreynba yidhi Gianni Infantino.

“Shaki kuma jiro waxkasta oo ah diidmada FIFA, taageero buuxda ayaanu siinaynaa UEFA. Waxa jira waxyaabo badan oo malaha mudo gaaban laga tagi karo si dhaqaale loo helo, dadku waxay u baahan yihiin inay si aad u degen u fikiraan, waxay u baahan yihiin inay falceliyaan oo ay masuuliyada qaadaan”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*