DEG-DEG: Liverpool Oo Xiddigii Labaad Bilaash Kaga Tegay Maanta & Kooxda Uu Ku Biiray

Liverpool ayaa xaqiijisay in ciyaartoygii labaad uu maanta oo Arbaca ah si bilaash ah uga tegay saacado kaddib markii uu laacibka da’da yar ee Ethan Ennis uu si rasmi ah ugu wareegay Manchester United.

Tababare Jurgen Klopp ayaa lumiyey ciyaartoygii labaad oo waliba iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kaddib markii uu qandaraaskiisu dhamaaday, waxaana Ethan Ennis raacay laacib kale oo isagu dibedda uga baxay horyaalka Premier League.

Yasser Larouci

Yasser Larouci ayaa si rasmi ah ugu wareegay kooxaha Manchester City qaybta ka tahay ee City Football Club ee ay iska leeyihiin qoyska reer Abu Dhabi ee Troyes, taas oo ka ciyaarta horyaalka waddanka Faransiiska ee Ligue 1.

Troyes oo ka mid ah kooxaha ay Manchester City mataanaha yihiin ayaa si rasmi ah usoo bandhigtay Yasser Larouci  oo xidhan shaadhkeeda/maaliyaddeeda, isla markaana qalinka ku duugay heshiis shan sannadood ah.

Yasser Larouci oo ay da’diisu tahay 20 jir ayaa 12 bilood ka hor ku wargeliyey Liverpool in aanu heshiis cusub u saxeexi doonin, isla markaana uu ka tegi doono marka la gaadho dhamaadka qandaraaskiisa, hase yeeshee Liverpool ayaa rajaynaysay in ay ku qancin karto in uu qandaraaska kordhiyo.

Laacibkan ayaa ku adkaystay go’aankiisa ah in aanu heshiiska kordhin, waxaanu ugu dambayntii ka baxay kooxda uu da’yarteeda kusoo biiray isaga oo 16 jir ah.

Brentford iyo Leeds United ayaa xiisaynayay saxeexa Yasser Larouci xagaagii hore, balse waxay ugu dambayntii ka maageen in ay bixiyaan lacagta koriinka ciyaareed ee ay Liverpool uga baahanayd.

Laba ciyaarood ayuu xilli ciyaareedkii hore usoo saftay Liverpool waxaanay ahaayeen ciyaarihii EFL Cup, sidoo kalena waxa uu ku jiray laacibiintii da’yarta Liverpool ee ku guuleystay FA Youth Cup sannadkii 2019kii.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*