DEG-DEG: Liverpool Oo Dalabkii Ugu Horreeyay Ka Gudbisay Saul Niguez & Labada Xiddig Ee Ay Mid Dirayso

Kooxda Liverpool ayaa lagu soo warramayaa inay dalabkii koowaad ka gudbisay khadka dhexe ee Atletico Madrid ee Saul Niguez xilli uu tababare Jurgen Klopp isha ku hayo inuu xoojiyo safkiisa kahor xilli ciyaareedka cusub.

Waxa la fahamsan yahay in heshiiska lacagta ah ee ay Liverpool gudbisay ay sidoo kale ku dartay mid ahaan xiddigaha kooxdeeda ee Xherdan Shaqiri iyo Jordan Henderson.

B4GC9f1E?format=jpg&name=small

Saul ayaa sanadahan ugu dambeeyay noqday mid kamida xiddigaha khadka dhexe kuwooda ugu wanaagsan ee ka ciyaari kara khadka dhexe ee gool-ka-gool (Box to box) balse kusoo dhibtooday qaab ciyaareedkiisa xilli ciyaareedkii hore walow ay kooxdiisu horyaalka La Liga ku guuleysatay.

Markii hore waxa la filayay inuu Saul ku biiri doono Barcelona iyadoo la dhaafsanayo weeraryahanka kooxdaas ee Antoine Griezmann balse taas ayaa u muuqata mid haatan aan macquul ahayn oo ka dhigan inuu markale suuqa yaalo.

Wargeyska Diario Sport oo ah midka xogtan qoray ayaa sheegaya in Liverpool ay gudbisay dalab ah 40 Milyan oo euro oo lagu daray mid kamida Shaqiri ama Henderson.

Shaqiri ayaa ahaa mid ku dhiban inuu wax boos ah ka helo safka koowaad tan iyo markii uu kusoo biiray sanadkii 2018, waxa la filayaa in kooxdu ay ku faraxsan tahay inay bixitaan u ogolaato xagaagan.

Dhinaca kale Hendo ayaa la sheegayaa inuu ka niyad jabay markii ay bur-bureen wadahadaladii heshiis kordhinta ee uu kooxda uu kabtanka u yahay kula jiray.

Waxa laga warsugi doonaa jawaabta Atletico Madrid balse xaqiiqada ah in heshiiska Saul uu dhacayo 2026 ayaa siinaysa kalsooni aysan wax deg-deg ah ku muujin.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*