DEG-DEG: Lionel Messi Oo Mustaqbalkiisa Go’aamiyey & Kooxda Uu Heshiiska U Saxeexayo Toddobaadka Dambe

Xiddiga reer Argentina ee Lionel Messi oo heshiiskiisa Barcelona uu ku eg yahay Arbacada soo socota ayaa go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa, iyadoo uu toddobaadka dambe saxeexi doono heshiis.

Lionel Messi oo waqtigan ku sugan Brazil oo uu ka socdo tartanka qaramada Latin America ee Copa America ayaa mashquul ku ah sidii uu dalkiisa guul u gaadhsiin lahaa, waxaanay u gudbeen wareegga siddeedda.

Messi1

Laacibkan ayaa ciyaartoyda xulka qarankiisu degdeg uga dhigeen xaflad iyo hadiyado ay isagoo hurda ku dul-daadiyeen iyadoo uu maalintaas 34 jirsaday.

Messi ayaa u duulay dalkiisa kaddibna kala qayb-galay Copa America iyadoo kooxdiisu wadnaha farta ku haysa oo ogsoon in heshiiskii ay kula  jireen laacibkani uu dhamaanayo oo ay suurtogal tahay in aanu dib dambe u xidhanin shaadhkooda, waxaase dedaal badan samaynayay madaxweyne Joan Laporta oo si joogto ah xidhiidh ula samaynayay Jordi Messi oo ah wakiilka iyo aabbaha laacibkan.

Kooxaha waaweyn ee Yurub ayaa u dheg-taagaya go’aanka Lionel Messi oo sannad ka horna isku dayay inuu ka tago kooxda laakiin si muran ku jiro loogu qasbay inuu sii joogo, kaddib markii madmadow la geliyey qodob ku jiray qandaraaskii uu kooxda kula jiray oo dhigayay inuu iska tegi karo ka hor inta aanu bilaabmin xilli ciyaareedka ugu dambeeya.

Manchester City iyo PSG ayaa ahaa labada kooxood ee sida weyn loola xidhiidhinayay Messi, sidoo kalena Inter Milan ayaan ka maqnayn inkasta oo ay xidhaysay awoodda dhaqaale.

Si kastaba, Lionel Messi ayaa ugu dambayn go’aan ka gaadhay mustaqbalkiisa, isla markaana toddobaadkan qalinka u qaadan doona heshiis laba sannadood ah.

Sida uu wariyaha Talyaaniga ah ee Fabrizio Romano hadda kusoo qoray bartiisa Twitter-ka, Lionel Messi ayaa ogolaaday inuu sii joogo Barcelona, waxaanu saxeexi doonaa qandaraas laba sannadood ah oo soconaya illaa 2023.

Fabrizio Romano waxa uu sheegay in boodhka sare ee maamulka Barcelona iyo Lionel Messi ay wax walba isla qaateen, heshiiska rasmi ahna lagu dhawaaqi doono toddobaadka dambe.

Labada dhinac ayaa hadda ka shaqaynaya dhamaystirta waxyaabo yaryar oo ku jira heshiiska, kuwaas oo ay ka mid yihiin lacagta lagu burburin karayo heshiiskan haddii ay koox kale soo dalbato laacibkan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*