DEG-DEG: Kooxdan Halkee Loo Wadaa? Xiddig Kale Oo Laf-Dhabar U Ah Real Madrid Oo Sababta Korona Fayras Ku Seegaya Kulanka Getafe Ee Caawa

Musiibada maqnaanshaha xiddigaha ee kooxda Real Madrid ayaa halkeeda kasii socota kahor kulanka adag ee ay caawa kooxda Getafe ugu tagayaan gegida Coliseum Alfonso Perez iyagoo dagaal usoo geli doona saddex dhibcood oo asaasi ka ah hammigooda ku guuleysiga La Liga.

Xiddiga kale ee laf dhabarta u ah Los Blancos ee seegaya ciyaarta caawa ayaa ah Federico Valverde kaas oo ay Madrid hadda shaacisay in uu xidhiidh la sameeyay qof laga helay sadhada Korona Fayras sidaasna ku seegayo kulanka caawa.

Zinedine Zidane gives Fede Valverde injury update before second leg

Real ayaa shaacisay in Fede Valverde uu ilaa Sabtidii shalay ku jiray karantiin kaddib markii uu xidhiidh la sameeyay qofkaas xanuunka laga helay sidaasna uu ku maqnaan doono walow baadhitaanadii isaga lagu sameeyay lagaga waayay xanuunka.

Warbixinta Madrid ayaa u taalay sidan “Ciyaartoygayaga Fede Valverde waxa uu ahaa mid karantiin ku jiray ilaa shalay Sabtidii 17-ka April kaddib markii uu xidhiidh toos ah la sameeyay qof laga helay Korona Fayras, walow ciyaaryahanka waxba lagaga waayay dhammaan baadhitaanadii lagu sameeyay”

Real Madrid ayay marka horeba kulanka caawa ka maqnaayeen xiddigo muhiim ah oo ay kamid yihiin Casemiro iyo Nacho oo iyagu ganaax ku seegaya.

Sidoo kale waxa kooxda tababare Zinadine Zidane dhaawacyo kaga maqnaan doona Sergio Ramos, Ferland Mendy, Eden Hazard, Dani Carvajal, Lucas Vazquez iyo Raphael Varane.

 

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*