DEG DEG: Kooxaha Premier League Ee U Soo Baxay Champions League, Europa League & Europa Confrence League Oo La Xaqiijiyay

Waxaa maanta la soo gabagabeeyay xilli ciyaareedka Premier League ee 2020-21 iyadoo Manchester City la gudoonsiiyay koobka horyaalka oo ay xaqiijisteen hanashadiisa horaantii bishaan Maajo.

Kulamadii maanta lagu soo xiray horyaalka ayaa ahaa kuwa xiiso badan iyadoo si weyn loogu tartamayay u soo bixitaanka tartamada Yurub ee Champions League, Europa League iyado Europa Confrence League.

messi

Man City oo horyaalka qaaday islamarkaana maanta xasuuqday Everton iyo Manchester United oo kaalinta labaad ku dhameysatay ayaa goor hore sii xaqiijistay inay u soo baxeen wareega group-yada Champions League ee xilli ciyaareedka soo socda ee 2021-22.

Waxaa iyagana maanta booskooda xaqiijistay Liverpool iyo Chelsea oo ku soo kala baxay kaalimaha seddexaad iyo afaraad iyadoo Reds ay 2-0 kaga badisay Crystal Palace halka Chelsea ay guuldarro ka soo gaartay Aston Villa balse ay ku dhameysatay kaalinta afaraad.

Leicester City ayaa fashilantay maanta iyagoo iska qasaariyay hogaan islamarkaana ay guuldarro 4-2 ay ka soo gaartay Tottenham taasoo keentay inay ka dhacdo kaalinta shanaad.

Leicester City ayaa ka dheeli doonta Europa League xilli ciyaareedka soo socda ee 2021-22 madaama ay kaalinta shanaad ku dhameysteen, waxaa iyagana Europa League u soo baxday West Ham oo kaalinta lixaad ku dhameysatay.

Tottenham  ayaa u soo baxday isreebreebka koobka cusub ee Europa Conference League madaama ay kaalinta 7aad ku dhameysatay iyagoo kulankoodii ugu danbeeyay ee maanta si xun u galay Leicester City.

Arsenal ayaa gabi ahaanba ka hartay tartamada Yurub inkastoo ay ka badiyeen Brighton, waa markii ugu horeysay ay sidaan ku dhacday muddo ka badan 20 sannadood.

Kooxaha Champions League u soo baxay:

1- Manchester City

2- Manchester United

3 – Liverpool

4 – Chelsea

Kooxaha Europa League u soo baxay:

5 – Leicester City

6 – West Ham

Kooxda u soo baxday Europa Confrence League

7 – Tottenham

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Waxa Cajiib ah Liverpool oo aminzanayd In ayzan Champions leage ku so baxay ku dhamaysatay 3 ba mucjiso igu noqotay Liverpool ba Kula dhacay the best team weye horay u socda ban leeyahay reer Liverpool

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*