DEG-DEG: Kooxaha Ka Dareeraya European Super League Oo Sii Kordhaya & LABA Kooxood Oo Kale Oo Banaanka Ka Istaagay

Tartankii maalmo kahor sida rasmiga ah loogu dhawaaqay inuu hirgeli doono xilli ciyaareedka dambe ee European Super League ayaa ah mid xataa awood u yeelan waayay inuu maalmo kooban waaro iyadoo ay sii kordhayaan liiska kooxaha ka farxalanaya ee iskaga baxayaa.

Xalay ayay ahayd markii jugtii ugu weyneyd gaadhay shaqsiyaadka wada qorshahaas ayaa ahaa in dhammaan lixda kooxood ee tartanka kaga jiray horyaalka Premier League ee kala ahaa labada Manchester, Chelsea, Arsenal, Liverpool iyo Tottenham ay ka baxeen tartanka.

Haddaba, iyadoo uu sii kordhayo liiska kooxaha baxayaa ayay markan si rasmi ah warbixin ugu shaacisay inay xulafadaas ka baxday kooxda ree Spain ee Atletico Madrid.

Sidoo kale kooxda ree Talyaani ee Inter Milan ayaa iyaduba warbixin ay isla hada shaacisay ku sheegtay inay faarujisay tartanka iyada oo kooxaha kale ee Talyaaniga ah meesha ku cidlaysay.

Kooxaha kaliya ee kaddib labadaas kooxood baaqiga ku ah tartanka ayaa kala ah AC Milan, Juventus iyo labada kooxood ee ree Spain ee Barcelona iyo Real Madrid.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*