DEG-DEG: Koox Lama Filaan Ah Oo Isku Caleemo Saartay Ku Guuleysiga Horyaalka Premier League

Kooxda horyaalka Premier League qaybta ka ah ee Wolverhamton Wanderers ayaa isku caleemo saartay ku guuleysiga horyaalka Premier League ee laba sano kahor oo ah xilli ciyaareedkii 2018-19 oo ay asal ahaan koobka kusoo guuleysatay Manchester City.

Lixda kooxood ee loo yaqaano kooxaha waaweyn ee Premier League ayaa dhawaan saxeexay heshiiska ay ugu biirayaan horyaal cusub oo ay samaysteen 12 kamida kooxaha ugu waaweyn Yurub kaas oo ay ugu yeedheen European Super League.

Kooxahaas ayaa laga qorayaa warar kala duwan sida in horyaalada iyo koobabka kale laga qaadi doono waana halka ay hadda Wolves ka qiyaas qaadatay.

Wolves ayaa iskugu cumaamaday horyaalkii 2018-20 sababtoo ah inay kusoo dhammaysatay booska toddobaad ee Premier League iyaga oo kaliya ka dambeeyay lixda kooxood ee hadda Super League asaaskiisa kamidka ah.

Wolves ayaa ku doodaysa walow ay kaftan tahay inay tahay kooxda horyaalkaas ku guuleysatay marba haddiiba ay kooxihii ka horreeyay jirto suurogalnimo horyaalka lagaga caydhin karo.

Sawirka Ay Wolves Ku Muujisay Inay Qaaday PL 2018-19

Image

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*