DEG-DEG: Kabtan Sergio Ramos Oo Laga Helay Caabuqa Korona Fayras & Labada Dhibaato Ee Horeba U Haystay

Waxa subaxnimada saaka oo Salaasa ah wararka kala duwan ee saxaafada kubadda cagta Spain qabsaday warka Real Madrid gaar ahaan kabtankeeda Sergio Ramos oo laga helay sadhada dunida aadka ugu fidaysa ee Korona Fayras.

Real Madrid qudheeda ayaa soo saartay warbixin rasmi ah oo ay ku xaqiijinayso in daafaceeda khabiirka ah tijaabadii caafimaad ee ugu dambaysay ee laga qaaday lagu ogaaday in laga helay xanuunka oo uu qabo.

Image

Dhacdadan ayaa halkeeda kasii wadaysa tiro nasiib darrooyin ah oo uu Sergio lasoo kulmayay bilahan ugu dambeeyay, hadda dhaawac ayuu kaga maqan yahay safka tababare Zinadine Zidane.

Sergio Ramos ayaa geli doona karantiin mudo ah isaga oo aan awood u yeelan doonin inuu xerada tababarka ee kooxdiisa kusoo laabto ilaa marka laga waayo xanuunka mooyee.

Kabtanka xulka qaranka Spain ayaa ah xiddigii labaad ee laga helo xanuunka muddooyinkan ugu dambeeyay ee Los Blancos ka tirsan kaddib markii sidoo kale laga helay lamaanihiisii daafaca dhexe ee Raphael Varane.

Marka laga yimaado dhibaatada kale ee ah inuu hadda dhaawac jilibka ah ku maqan yahay, dhibka labaad ee haystay Ramos bilahan ugu dambeeyay ayaa ahaa inuu heshiiskiisa kooxdu yahay mid dhacaya dhammaadka xilli ciyaareedkan isla markaana aysan isaga iyo Real wali wax heshiis kordhin ah isku waafaqin.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*