DEG-DEG: Joules Kounde Oo Jawaab Culus Ka Bixiyay Heshiiska Ay Sevilla Kaga Iibinayso Tottenham

Daafaca dhexe ee kooxda Sevilla iyo xulka France ee Joules Kounde ayaa gaadhay go’aanka ah haddiiba uu ku biirayo kooxda ka ciyaarta horyaalka Premier League ee Tottenham oo u muuqatay mid gacanta ku dhigtay saxeexiisa.

Sida aanu idiin soo gudbinayd goor dhawayd, Tottenham ayaa ka gudubtay talaabadii ugu muhiimsanayd iyada oo heshiiska ay Kounde kula wareegayso la gaadhay Sevilla.

Image

Sida uu sheegayo saxafiga xog-ogaalka ah ee Gianluca Di Marzio, Sevilla ayaa aqbashay dalab 30 Milyan oo euro ah oo lagu daray daafaca Tottenham ee Davinson Sanchez.

Di Marzio ayaa intaas ku daray in go’aanka la hordhigay Kounde kaddib heshiiska ay labada kooxood gaadheen iyadoo la sugayay jawaabta uu bixin doono.

Sida uu sheegayo hadda wargeyska Marca ee magaalada Madrid kasoo baxa, Kounde ayaa diiday qandaraas uu ugu wareego Tottenham isaga oo aaminsan in marka uu ka baxo Sevilla kuna biiro Tottenham uusan wax horumar koox bedelasho ah samaynin.

Kooxaha kale ee lala xidhiidhinayo saxeexa Kounde ayay kamid yihiin Chelsea, Manchester United iyo Real Madrid balse saddexdaas kooxood ayaan wali wax xidhiidh toos ah la samaynin Sevilla.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*