DEG-DEG: Jack Grealish Oo Go’aan Ka Gaadhay Mustaqbalkiisa Iyadoo Man City Malaayiin Gini Dul-dhigtay

Xiddiga khadka dhexe uga ciyaara Aston Villa iyo xulka qaranka England ee Jack Grealish ayaa go’aan cusub ka gaadhay mustaqbalkiisa xilli uu miiska u saaran yahay dalab malaayiin Gini ah oo uga yimid Manchester City oo doonaysa in ay xagaagan la wareegto.

Jack Grealish oo bandhig fiican ka muujiyey tartankii qaramada Yurub inkasta oo uu beddel kusoo geli jiray, ayaa waxa uu ka mid yahay ciyaaryahannada loogu hadal-haynta badan yahay suuqa iibka, waxaanay kooxaha kale ee waaweyn ee Premier League uga hadheen Manchester City oo ah kooxda kaliya ee gaadhi karaysa lacagta ay Aston Villa ku xidhayso bixitaankiisa.

Grealish

25 jirkan ayay warbaahinta Ingirisku sheegayeen usbuucyadii ugu dambeeyey in laga sugayo Etihad Stadium oo uu lacag gaadhaysa £100 milkyan oo Gini uu ugu wareegayo Manchester City, laakiin hadda wax ayaa iska beddelay filashadaas.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa kusoo warramaysa in uu laacibkani gaadhay go’aan kale oo ah in uu sii joogo kooxdiisa isla markaana isbeddel ku sameeyo qandaraaskii uu saxeexay sannadkii hore oo soconayay illaa sannadka 2025ka.

Khabiirka ciyaaraha Alex Crook ayaa sheegay inuu helay xog cusub oo la xidhiidha mustaqbalka laacibkan, taas oo ah inuu go’aankiisu yahay inuu heshiis cusub u saxeexo Aston Villa, kaas oo lagu kordhinayo mushaharooyinka iyo qodobbada qandaraaskiisii hore ee afarta sannadood ka hadhsan yihiin dhamaadkiisa.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*