RASMI: Belgium vs Italy, England vs Ukraine & Isku-aadka Wareegga Siddeedda Euro 2020

Siddeed waddan ayaa iskugu soo hadhay tartanka qaramada Yurub ee Euro 2020, iyadoo saddeed kalena ay hadheen afartii maalmood ee u dhexeeyey Sabti illaa Salaasa.

Xulal waaweyn oo loo saadaalinayay tartanka koobka ayaa macasalaameeyey, kuwaas oo ay garaaceen dalal qiimayn ahaan ka liitay. France ayaa waxa tartanka cidhib-tirtay Switzerland oo ka mid ahayd dalalkii kaalmaha saddexaad kusoo baxay ee xagga dambe lagaga daray naadiyadii sida rasmi ah usoo gudbay.

E5ATfn7WYAEpwtX

Netherlands oo awood kusoo gudubtay ayaa qaab bahdilaad ah ugu laabatay dalkooda, waxaana muquunisay Czech Republic oo aan marnaba meesha lasoo dhigan in ay marxaladdan imanayso. Austria iyo Croatia ayaa ku baxay gacanta Talyaaniga iyo Spain, halka Belgium ay soo reebtay Portugal.

Denmark oo labadii ciyaarood ee ugu horreeyey laga badiyey, laakiin usoo gudubtay wareegga 16ka ayaa waxay u awood sheegatay Wales oo ay ku goolal tirsatay.

England ayaa kulan adkaa waxay kaga aargoosatay Germany oo ay ka badisay markii u horreysay muddo 55 sannadood ah kulan ka tirsan tartamada waaweyn, waxaanay ku garaaceen 2-0.

Siddeedda dal ee usoo gudbay wareegga siddeedda waxa dhamaystiray Ukraine oo ciyaartii ugu dambaysay wareegga 16ka ka badisay Sweden.

Waddamada soo gudbay:

Italy, Denmark, Spain, England, Belgium, Ukraine, Switzerland iyo Czech Republic.

Sidee la iskugu beegmay wareegga siddeedda?

Xulalka awoodda badan ee Talyaaniga iyo Belgium ayaa isku beegmay oo uu midkood ka bixi doonaa tartanka. Labadan waddan oo kasoo kala badiyey Portugal iyo Austria ayaa Jimcaha ku wada ciyaari doona magaalada Munich.

Spain ayaa waxay afka ka gashay Switzerland oo soo reebtay Faransiiska oo ay waqti dambe ka daba yimaaddeen, halka Spain ay ku goolal tirsatay Croatia.

Czech Republic ayaa waajahaysa Denmark, iyadoo labadan dal ay soo kala reebeen Netherlands iyo Wales.

England ayaa waxay isku dhaceen Ukraine, iyadoo labadan dal ay ahaayeen kuwii ugu dambeeyey ee usoo gudbay wareegga siddeedda kaddib markii ay kasoo kala badiyeen Germany iyo Sweden.

Isku-aadka oo kooban iyo magaalooyinka lagu ciyaarayo

2 July: Switzerland vs Spain – Saint Petersburg

2 July: Belgium vs Italy – Munich

3 July: Czech Republic vs Denmark – Baku

3 July: England vs Ukraine – Rome

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Czech republic anigu habeenkii ingiriiska ay wada ciyaarayeen waxay soo bandhigeen kubadd heerkeedu sarreeyo

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*