DEG-DEG: Inter Milan Oo Ku Guuleysatay Horyaalka Serie A & Nerazzuri Oo Soo Af-Jaray Kootadii Juventus Ee Scudetto

Kooxda Inter Milan ayaa hadda si rasmi ah ugu guuleysatay horyaalka Serie A iyada oo soo af-jartay kootadii dhigeeda Juventus ay sanadihii ugu dambeeyay oo dhan kusoo haysatay horyaalka Talyaaniga ee Scudetto.

Inter ayaa loo caleemo saaray hanashada horyaalka ay sida weyn ugu soo dagaalantay kaddib bar-bardhacii ay kooxda booska 2-aad ee Atalanta la gashay dhigeeda Sassuolo.

Image

Guushii 2-0 ka ahayd ee ay Inter Milan shalay ka gaadhay Crotone ayaa ka dhignayd inay kaliya hal dhibic u baahantahay si ay  horyaalka ugu guuleysato.

Si kastaba, bar-bardhacaas ay gashay Atalanta ayaa ka dhigan in kooxda tababare Antonio Conte ay tahay mid aan sinaba lagu gaadhi karin afarta kulan ee horyaalka ka hadhay iyaga oo leh 82 dhibcood,

Tababaraha ree Talyaani ayaa markiisii afraad ku guuleystay horyaalka Scudetto kaddib markii uu saddex horyaal hore usoo qaaday wakhtigiisii Juventus.

Sidoo kale horyaalkan oo ah midkii 19-aad ee Inter ayaa haddana noqonaya horyaalkii ugu horreeyay ee ay kooxdaasi qaado tan iyo 2009-10 markaas oo uu Jose Mourinho saddexleyda koobabka ah la qaaday.

Special One ayaa wali ah tababarihii ugu dambeeyay ee ajinabi ah ee ku guuleysta horyaalkaas iyo waliba tababaraha kaliya ee aan ka ahayn Conte, Allegri ama Maurizio Sarri ee horyaalkaas hanta 11-kii sano ee ugu dambeeyay.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*