DEG-DEG: Halyeygii Arsenal Ee Patrick Vieira Oo Loo Magacaabay Tababaraha Koox Premier League Ka Ciyaarta

Halyeygii Arsenal ee Patrick Vieira ayaa kusoo laabtay horyaalka waddanka Ingiriiska ee Premier League isaga oo tababare ah, waxaanu si toos ah uga hor iman doonaa kooxdiisii hore oo uu la xafiiltami doono.

Patrick Vieira ayaa loo magacaabay tababaraha kooxda kubadda cagta Crystal Palace, laakiin wali si rasmi ah uguma dhawaaqin labada dhinac.

Vieira

Sida uu ogaaday wargeyska The Athletic, Vieira ayaa noqonaya tababaraha Crystal Palace ee xilli ciyaareedka dambe dhowaanta bilaabmaya, waxaana la filayaa in si degdeg ah Crystal Palace ugu soo bandhigto warbaahinta.

Bishii hore ayaa uu Patrick Vieira ka mid noqday tiro tababareyaal lala xidhiidhiyey, waxaana ugu dambayntii ay heshiis gaadheen Crystal Palace oo uu u beddeli doono Roy Hodgson oo ka tegay dhamaadka xilli ciyaareedkii hore.

Patrick Vieira ayaa iska xaadirin doona garoonka Selhurst Park bisha July ee foodda inagu soo haysa, isagoo tababarka u bilaabi doona ciyaartoyda kooxda ee waqtigan fasaxa iyo xulalkooda ku maqan.

45 jirkan oo ka mid ahaa xiddigihii Arsenal u qaaday horyaalka Premier League iyagoon halmarna laga badin sannadkii 2003, waxaanu xirfadda tababarenimo bilaabay sannadkii 2011 oo macallin u noqday kooxda reer Maraykan ee New York City FC, kooxdiisii ugu dambaysayna waxay ahayd Nice oo ka ciyaarta horyaalka Ligue 1 ee waddanka Faransiiska.

Intii ka dambaysay December 2020 ma qabanin wax shaqo tababarenimo ah, haddana waxauu ka tirsan yahay falanqeeyeyaasha telefishanka ITV ee gorfeeya tartanka Euro 2020.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*