DEG DEG: Halyeeyga Arsenal Patrick Vieira Oo Tababare U Noqday Koox Premier League Ah

Kooxda horyaalka Premier League ee Crystal Palace ayaa shaacisay in Patrick Vieira uu yahay tababarahooda cusub.

Xiddigii hore ee Arsenal oo 45 sanno jir ah ayaa saxiixay heshiis seddex sannadood ah isagoo shaqada Crystal Palace ka bedelay Roy Hodgson.

Vieira

Waa markii ugu horeysay ee uu ku soo laabanayo Premier League tan iyo markii uu ka tagay Manchester City oo uu tababare u ahaa akadeemigooda.

Waa shaqadii ugu horeysay ee tababarenimo tan iyo markii laga ceyriyay kooxda Faransiiska ee Nice isagoo sidoo kale tababare u soo noqday kooxda Mareykanka ee New York City FC.

Palace ayaa si lama filaan ah ku magacowday Patrick Viera madaama lala xiriiriyaya Lucien Favre iyo Steve Cooper.

Vieira ayaa ku faraxsan inuu shaqadaan helay isagoo warkaan ku xaqiijiyay bogiisa Twitter.

Wargeyska The Sun ayaa sheegay in shaqaalaha tababarka ee Viera inay ka mid noqon doonaan leyliyaha reer Wales Osian Roberts kaasoo noqon doona caawiyihiisa.

Vieira ayaa la aaminsan yahay inuu jecel Roberts kaasoo la soo shaqeeyay Chris Coleman iyo Ryan Giggs markii uu ka tirsanaa xulka Wales.

Tababaraha Faransiiska ayaa kulankiisa ugu horeysa ee Premier League wuxuu noqon doonaa midka ay u safrayaan kooxda Chelsea.

Laakiin ka hor waqtigaas waxaa u taala shaqo badan madaama ay kooxda ka tageen 22 ciyaaryahan oo uu qandaraaskooda dhacay oo ay ku jiraan Andros Townsend iyo Gary Cahill.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*