DEG-DEG: Guuleystaha Abaalmarinta Xiddigii Sanadka Ee Barcelona 2020-21 Oo La Shaaciyay & Messi Oo Lagaga Guuleystay

Kooxda Barcelona ayaa ku dhawaaqday abaalmarinaha xiddigihii ugu fiicnaa kooxaheeda labka iyo dheddiga ee xilli ciyaareedkii hore ee 2020-21 xilli uu abaalmarinta kooxda ragga ku guuleystay magac lama filaan ahi.

Ciyaartoyga loo gartay abaalmarinta xiddigii sanadka ee kooxda ragga Barcelona ayaa ah khadka dhexe ee ree Netherlands ee Frankie De Jong halka kooxda dumarka oo sanadkii tagay 34 kulan oo ay ciyaartay 33 kamid ah soo guuleysatay loo magacaabay Aitana.

Image

De Jong ayaa soo noqday mid kamida xiddigaha ugu muhiimsan shaxda tababare Ronald Koeman xilli ciyaareedkii dhammaaday walow uu qaab gaabis ah kusoo bilawday kaddib markii loo adeegsaday mid kamida labada kubad bur-buriye ee kooxda oo markaas hanaanka 4-2-3-1 ku ciyaaraysay.

De Jong ayaa isbedel uu shaxda ku sameeyay Koeman aad ugu hano-qaaday isaga oo xoriyad loo siiyay inuu intii hore in ka badan ka qayb qaadan karo safka weerar ee kooxda.

Walow uu wali kabtanka kooxdaas ee Lionel Messi ahaa midka xog ahaan ugu wanaagsan kooxda haddana codka ugu badan ayuu helay De Jong maadaama oo uu isagu horumar aad u badan oo shaqsiyan ah soo sameeyay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*