DEG-DEG: Go’aanka Toni Kroos & Haddii Uu Ka Fadhiisanayo Xulka Germany Oo La Ogaaday

Khadka dhexe ee xulka qaranka Germany iyo kooxda Real Madrid ee Toni Kroos ayaa lagu soo warramayaa inuu ciyaaray kulankiisii ugu dambeeyay ee waajibaadkiisa heer qaran isla markaana uu ka hawl-gabayo kubadda cagta caalamiga ah.

31 sano jirkaas ayaa hore saxaafad ugu sheegay inuusan lahayn wax qorshe ah oo uu ku doonayo inuu sanadaha ugu dambeeya ee inta uu ku jiro da’da soddomaadka kusii ciyaaro kubadda cagta.

Image

Haatan waxa ay u muuqataa in hadaladaas kasoo yeedhay Kroos ay noqon doonaan kuwo xaqiiqo ah iyadoo wargeyska Germany kasoo baxa ee Bild uu sheegayo inuu ka fadhiisanayo kubadda cagta caalamiga ah.

Kroos ayaa xulka Germany uga soo muuqday dhammaan daqiiqadihii ay kasoo ciyaareen tartanka Euro 2020 isaga oo kamid ahaa xiddigihii xalay uu xulka England ka reebay loolanka.

Kroos ayaa ku guuldarraystay inuu hal darbo oo bar-tilmaameed ah sameeyo intii uu tartanku socday balse haddiiba uu sidaas kaga hawl-gabo kubadda cagta heer qaran ayuu ku dhammaysan doonaa wakhti fiican oo uu lasoo qaatay xulka Die Mannschaft.

Toni ayaa 106 kulan usoo ciyaaray Germany isaga oo booska toddobaad kaga jira xiddigaha ugu safashada badan abid xulkaasi oo uu la siman yahay Thomas Muller.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*