DEG-DEG: Ganaaxa Gadhka Loo Geliyay Lixda Kooxood Ee Ugu Waaweyn PL Kaddib Ka Qayb-Galkii Super League Oo La Ogaaday

Wargeyska Daily Mail ayaa shaaca ka qaaday ganaaxa uu horyaalka Premier League saaray lixda kooxood ee ugu waaweyn horyaalkaas oo dhawaan ka qayb galay tartan lagu magacaabay European Super League.

Lixdaas kooxood oo kala ah Man City, Man United, Liverpool, Chelsea, Tottenham iyo Arsenal ayaa ka qayb ahaa tartankaas Super League oo 12 kamida kooxaha ugu waaweyn Yurub ay ku bahoobeen isla markaana meesha kaga saarayaan ka qayb-galkooda tartamada UEFA.

Nasiib wanaag kaddib kacdoono ay sameeyeen taageerayaasha kubadda cagtu ayaa ku qasbay in inta badan kooxihii tartankaas ku jiray iyo dhammaan lixda kooxood ee England ka metelayay ay ka tanaasuleen go’aankaas.

Daily Mail ayaa hadda xusaya in maamulka Premier League ay go’aansadeen inay lacag 22 Milyan oo pound ah isku dar ku ganaaxaan lixdaas kooxood.

Intaas waxa dheer oo la go’aamiyay sida wargeysku sheegayo in kooxda isku dayda mustaqbalka go’aankaas oo kale ay la kulmi doonto ganaax 30 dhibcood oo laga jaro ah oo lagu daray 25 Milyan oo pound.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

  1. Waxaas waa sheeko premier league qiimaha uu leeyahay muxuu yahay waa horyaal xune european super league
    Wuu soo laaban doona

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*