Faahfaahin Dheeraad Ah Oo Kasoo Baxday Heshiiska Manchester United La Gashay Jadon Sancho

Kooxda kubadda cagta Manchester United ayaa maanta heshiis shaqsi ah la gaadhay xiddiga reer England ee Jadon Sancho oo waqtigan isku-diyaarinaya tartanka Euro 2020 ee uu dalkiisa kala qayb-gelayo.

Sidii aanu maanta idiinku soo gudbinay wararkii hore, Manchester United waxay Sancho la gaadhay heshiis shaqsi ah oo soconaya illaa sannadka 2026, isla markaana ay bilowdeen wada-hadallo ay kula jirto Borussia Dortmund oo ay kala xaajoonayso lacagta ay kaga iibinayso laacibkan.

Wariyaha Talyaaniga ee Fabrizio Romano oo warkan shaaciyey, ayaa waxa kale oo uu xogtii maanta inoogu sheegay, in Borussia Dortmund ay dalbanayso 82 milyan oo Gini, halka wargeyska Bild uu isaguna xusay in Red Devils ay gudbisay dalab 59 milyan oo Gini ah.

Fabrizio Ramono ayaa hadda shaaciyey war kale oo kasoo kordhay saxeexa Manchester United ay la gashay Jadon Sancho kaas oo ku saabsan lacagta labada kooxood ku kala iibsanayaan iyo qaabka lacagta ay labada kooxood u kala qaadanayaan.

Warka ayaa sheegay, in Manchester United ay tan iyo bishii April ogeyd, in Borussia Dortmund ay doonayso €95 milyan oo Gini, taas oo ay Red Devils isku dayday inay saayiraad ka hesho laakiin ay kooxda reer Germany halkeedii ku adkaysatay.

Fabrizio Romano ayaa shaaciyey, in Manchester United ay ogolaatay inay bixiso dhamaan lacagta ay doonayso Borussia Dortmund ee €95 milyan ee Euro, laakiin qayb ka mid ah lagu xidhay bandhigga ciyaaartoyga.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*