DAAWO: Ciyaartoyda Real Madrid Oo Lagu Weeraray Bannaanka Anfield, Khasaaraha Gaadhay Iyo Saska Ay Ku Bilaabanayaan Ciyaarta

Taageereyaasha Liverpool ayaa weerar ku qaaday baska ciyaartoyda Real Madrid ay usoo qaateen garoonka Anfield, waxaana lagu tuuray dhalo burburisay mid ka mid ah daaqadaha baaska.

Real Madrid oo ku sugan garoonka Anfield ayaa la ciyaaraysa Liverpool lugta labaad ee wareegga siddeedda, iyadoo ciyaartii horena ku adkaatay 3-1.

Laakiin ka hor inta aanay ciyaartu bilaabmin ayaa Los Blancos la dhandhansiiyey xamaasadda taageereyaasha jibbaysan ee Liverpool, waxaana lagu qaaday weerar xilli baskoodu soo gelayay garoonka oo ay ciyaartoyduna saaran yihiin.

Inkasta oo aan loo ogolayn jamaahiirta in ay garoonka yimaaddaan, haddana qaar ka mid ah taageereyaasha Liverpool ayaa usoo baxay bannaanka garoonka, waxaanay quraarad ku tuureen baska oo ay ciyaartoyduna ku jiraan, taas oo uu ka dhashay khasaare aan badnayn.

Mid ka mid ah daaqadaha baska ayaa burburtay, laakiin lama sheegin in wax dhibaato ahi soo gaadhay ciyaartoydakooxda.

Labada kooxood ayaanu midkoodna war kasoo saarin dhacdadan, hase yeeshee muuqaallo ay duubeen kaamirooyinka  bannaanka garoonka ayaa soo bandhigay baska oo ay burburtay daaqad dhinaca dambe u dhow, waxaanu shilku dhacay xilli ciyaartoyda iyo tababaruhuba baska saaran yihiin.
Warbaahinta Ingiriiska ayaa shaacisay in aanu wax dhaawac ahi soo gaadhin Zidane iyo ciyaartoydiisaba oo ay badqabaan.
Si kastaba, Real Madrid oo lugtii hore kusoo adkaatay 3-1 ayaa waxay waajahaysaa Liverpool oo u baahan in ay ku badiso 2-0 si ay ugu gudubto semi-finalka, halka uu Zidane sheegay in ay kooxdiisu doonayso guul, wax difaac ahna aanay geli doonin.

DAAWO MUUQAALKA WEERARKA:

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

2 Fekradood

  1. HALA MADRID
    HALA MADRID
    HALA MADRIID
    KOOPKANI WAXU U SOCDA MADRIID

    GUULL WALINGINBA KHAMRI TUURAA MAFIYO SO BARTA KUBADAA .MAGALADA QASHIN LIVERPOOL

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*