DEG-DEG: Bruno Fernandes Oo Ka Hor Yimid Tartanka Super League – Miyaa La Kansalayaa Heshiiskiisa Sidii Mourinho Oo Kale?

Bruno Fernandes ayaa noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee kooxaha waaweyn ee kasoo horjeedsaday qorshaha lagu samaynayo tartanka cusub ee Eurpean Super League ee shalay sida rasmiga ah loogu dhawaaqay.

Manchester United ayaa hormood ka ahayd kooxaha ka shaqeeyey in tartankan la sameeyo, waxaana si adag ay uga wada shaqeeyeen Real Madrid iyo Liverpool.

Tottenham oo qayb ka ah ayaa la tuhunsan yahay in tababaraheedii Jose Mourinho ay u caydhisay sabab la xidhiidha in uu kasoo horjeedsaday tartankan.

Xiddiga khadka dhexe uga  ciyaara Manchester United ee Bruno Fernandes ayaa si lama filaan ah uga baxay aamusnaanta, isagoo noqday ciyaartoygii ugu horreeyey ee kooxahan ka tirsan ee kasoo horjeedsaday samaynta Super League.

Bruno Fernandes ayaa bartiisa bulshada ee Instagram kusoo share-gareeyey qoraal uu soo daabacay saaxiibkii Daniel Pocence oo afka hore uga ciyaara Wolves, kaas oo uu ku muujinayo sida uu uga soo horjeedo tartankan cusub.

Podence ayaa qoraalkiisa ku yidhi: “Kubadda. Heesta. Riyada. Foolidii Zidane… Goolkii kalidii uu dhaliyey Kaka… Liverpool ee Athens… Ole ee Barcelona…Cris iyo Seedorf… ma sadqayn karno arrimahan dhab ahaantii.”

Bruno Fernandes ayaa farriintan uu soo share gareeyey, waxa uu dusha kaga soo qora kelmadan: “Aad ayay u weyn yihiin.”

Waxa kale oo uu Fernandes bartiisa bulshada ee Instagram ku daabacay qoraal kale oo uu ku yidhi: “Riyooyinka lama iibsan karo.”

Waxa kale oo uu qoraalkaas ku ladhay sawirro emojis ah oo uu ugu sacab-tumayo podence.

Manchester United ayaa uu dagaal ka bilowday gudaheeda, waxaana aan la garanayn tallaabada ay ka qaadi doonto Bruno Fernandes oo ah xiddiga ugu muhiimsan ee ay haysato.

Su’aasha la is weydiinayo ayaa waxay tahay: “Miyey Man United kansali doontaa heshiiska Fernandes si la mid ah Tottenham oo maanta shaqada ka caydhisay Jose Mourinho?”

Si kastaba, maalmaha soo socda ayaa la filayaa in war la xidhiidha Bruno Fernandes laga maqlo.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*