DEG-DEG: Barcelona Oo Premier League Usoo Dirtay Xiddigii Lagu Naanaysay Cristiano Ronaldo-ha Cusub

Kooxda Premier League ee Wolves ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqday inay dhigeeda Barcelona hal xilli ciyaareed qaab amaah ah kaga soo qaadatay da’yarka garabka weerar ee ree Portugal ee Francisco Trincao.

Madaxweynaha Barcelona ee Joan Laporta ayaa aad ugu hawlan kala nidaaminta kooxda dhawaan maamulkeeda loo doortay isaga oo doonaya inuu saf isku dheeli tiran oo si dhab ah u tartama xilli ciyaareedka dambe ku dagaal galo.

Image

Barcelona ayaa ilaa haatan suuqa kala wareegtay afar xiddig halka ay heshiiskii Matheus Fernandes gabi ahaanba kansashay.

Intaas waxa dheer inay wali doonayso inay qaar badan oo kamida xiddigaha waaweyn ee kooxdeeda amaba qaab amaah ah ku dirto amaba ay si rasmi ah u iibiso si ay u kala fududayso mushaharaadka ay bixiso sidoo kalena uga samayso lacag ay suuqa ku geli karto.

Heshiiska uu Trincao ugu biiray Wolverhampton ayaa ah mid ay kooxda Premier League dookh u haysato inay qaab rasmiah kula wareegto xilli ciyaareedka dambe haddiiba ay ku qanacdo iyadoo 25 Milyan oo pound ka bixinaysa.

Trincao ayaa la filayaa inuu maanta England u duulo isaga oo karantiin geli doona kahor inta uusan tijaabada caafimaadka marin ee uusan qaab rasmi ah ugu wareegin Wolves.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*