DEG-DEG: Barcelona Oo Burburisay Heshiiska Xiddiga Khadka Dhexe Ee Reer Brazil

Kooxda kubadda cagta Barcelona ayaa ku dhawaaqday inay burburisay heshiiskii ay kula jirtay laacibka khadka dhexe ee reer Brazil ee Matheus Fernandes, isla markaana aanu kooxdeeda kasii tirsanaan doonin.

Fernandes kasoo baxay kulliyadda kooxda reer Brazil ee Botafogo, una sii dhaafay Palmeiras ayaa ku biiray Barcelona January 2020, waxaana amaah loogu sii diray Real Valladolid oo uu  u ciyaaray qaybtii dambe ee xilli ciyaareedkii 2019/20 ka hor intii aanu kusoo laabanin Camp Nou xagaagii hore.

Fernandes

Laacibkan oo ay da’diisu tahay 22 jir ah, ayaa xilli ciyaareedkii hore hal kulan oo kaliya kasoo muuqday, waxaanay ahayd kulankii Daynamo Kyiv ee wareeggii Group-yada Champions League.

Intii kale ee waqtigiisa ayuu ku qaatay kaydka kooxda iyo waqtiyo aan lagu soo darin liiska kooxdaba iyadoo sidoo kalena ay jireen dhaawacyo uu sannadkiisii u horreeyey ee Barcelona u jiifay.

Fernandes ayaan qarsanin sida uu uga niyad-jabsan yahay kooxdan tababare Ronald Koeman oo aan siinin wax fursad ah.

Si kastaba, Barcelona ayaa qoraal ay ku baahisay Website-keeda waxay ku sheegtay in ay kansashay heshiiskii ay kula jirtay Fernandes oo ay 7 milyan oo Euro iyo 3 milyan oo Euro oo dheeraad ahaa kagala soo wareegtay Palmeiras sannadkii 2020.

Heshiiska ay Barca kula jirtay laacibkan ayaa waxa uu soconayay illaa 2025, waxaana ku jiray qodob dhigaya in 300 milyan oo Euro lagu burburin karayo.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*