RASMI: Atletico Madrid Oo Heshiis La Gaadhay Antoine Griezmann

Kooxda kubadda cagta Atletico Madrid ayaa heshiis la gaadhay xiddiga reer France ee Antoine Griezmann oo ay dib ugala soo saxeexatay Barcelona.

Labada kooxood ee Atletico Madrid iyo Barcelona ayaa wada-hadallo maanta wada-hadallo heerkoodu sarreeyo ku jiray, waxaanay ugu dambayntii heshiis ka gaadheen Antoine Greizmann iyadoo meeshana uu ka baxay qodob ay Barcelona ku gorgortamaysay oo ahaa in Saul Niguez ay is-weydaarsadaan kaas oo isagana ay heshiis la gaadhay Chelsea.

E JRS4 XoAEtdhF

Weeraryahanka reer France ee Antoine Griezmann ayaa waxa uu ogolaaday inuu heshiis amaah ah oo uu dib ugu laabto kooxdiisii hore ee Atletico Madrid oo laba sannadood ka hor ay Barcelona kaga soo iibsatay lacag kor u dhaafaysay €120 milyan oo Euro.

Sida uu hadda shaaciyey wariye Fabrizio Romano, Antoine Griezmann ayaa sannad amaah ah dib ugu laabanaya Atletico Madrid kaas oo soconaya illaa June 2022.

Atletico Madrid ayaa marka uu dhamaado heshiiska amaahda ah waxay awood u leedahay inay €40 milyan oo Euro si rasmi ah ugu iibsan karaan

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*