DEG-DEG: Arsenal Oo Saxeexeedii Koowaad Ee Xagaaga Heshay & Booska Uu Ka Ciyaaro

Kooxda Arsenal ayaa u muuqata mid hubaal gacanta ku dhigtay saxeexeedii ugu horreeyay ee suuqa xagaagan iyaga oo kaliya inay shaaciyaan ay uga hadhan tahay saxeexa daafaca bidix ee Nuno Tavares oo ay SL Benfica kasoo qaadanayaan.

Arsenal ayaa saxeexa Tavares kaga guuleysatay kooxaha Napoli iyo Lazio waxaana la filayaa inay kaabis uga dhigi doonaan Kieran Tierney oo u ah dookha koowaad ee booska daafaca bidix.

RVwRXQGg?format=jpg&name=small

Tavares ayaa doortay Arsenal maadaama oo ay riyadiisu tahay inuu ka ciyaaro horyaalka Premier League, heshiiska shaqsiga ah ee ciyaartoyga ayaan noqonin mid dhibaato leh maadaama oo uu xiddiga qudhiisu doonayay Emirates Stadium.

Haatan sida lagu sheegay Sky Sports, Arsenal iyo Benfica ayaa heshiis buuxa ka gaadhay saxeexa 21 sano jirka ree Portugal, heshiiska ayaa lagu dhammaynayaa kaliya 8 Milyan oo euro oo lagu daray lacago gunnooyin ah oo shuruudo ku xidhan.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*