DEG-DEG: Achraf Hakimi Oo Macasalaameeyey Inter Milan & Lautaro Martinez Oo Go’aankiisa La Shaaciyey

Xiddiga reer Morocco ee Achraf Hakimi ayaa macasalaameeyey kooxdiisa Inter Milan, kaddib hal xilli ciyaareed oo uu wacdaro ka dhigay horyaalka Serie A oo uu ku qaatay San Siro Stadium.

Wakiilka Achraf Hakimi oo warbaahinta la  hadlay ayaa xaqiijiyey, in Achraf Hakimi uu ka tegay Inter Milan, isla markaana uu dareemayo murugo.

Achraf Hakimi

Alejandro Camano oo ah wakiilka Achraf Hakimi ayaa waxa bannaanka xarunta guud ee Inter Milan xafiisyadeedu ku yaallaan waxa kula kulmay wariyeyaasha Tuttomercatoweb oo ka gaadhsiiyey dhawr su’aalood oo ku saabsan labadan ciyaartoy.

Wakiilka ayaa sheegay in Achraf Hakimi uu ku jiro waqti uu murugaysan yahay, isla markaana uu ciyaartoy kastaa dareemo murugo marka uu ka tegayo Inter Milan, halka uu sidoo kalena xaqiijiyeey kooxda uu ka ciyaarayo weeraryahanka reer Argentina ee Lautaro Martinez oo uu wakiil u yahay.

Camcho ayaa yidhi: “Waxyaabo badan ayaanu ka wada-hadalnay, waqtiganna idiinma sheegi karayo in Hakimi uu yahay ciyaartoyga cusub ee PSG, laakiin wax walba waanu ka wada hadalnay.”

Isaga oo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi: “Miyuu Hakimi ka murugaysan yahay inuu ka tegay Inter? Haa, kuwa ka tegay Inter mar walba way murugoodaan.”

Dhinaca kale, Alejandro Camano ayaa wax laga weydiiyey mustaqbalka xiddiga reer Argentina ee Lautaro Martinez oo isagana lala xidhiidhinayo inuu ka tegayo Inter Milan, waxaanu yidhi: “Martinez wuxuu joogayaa halkan, hadda wuxuu ku maqan yahay Argentina oo uu u ciyaarayo Copa America. Lautaro waa ciyaartoy Inter ah, laba sannadood ayaana ka hadhay qandaraaskiisa, halkanna wuu ku faraxsan yahay.”

Hakimi oo ay ku xafiiltameen PSG iyo Chelsea ayaa waxa ugu dambayntii ku adkaatay PSG oo ku iibsanaysa lacag dhan 60 milyan oo Euro oo kaash ah iyo 10 milyan oo Euro oo kael oo ku xidhnaan doona guulaha uu ku la gaadho kooxda reer France.

Inter Milan ayaa xagaagii hore waxay Achraf Hakimi kasoo iibsatay Real Madrid, waxaanu xilli ciyaareedkii 2020-21 kula guuleystay horyaalka Serie A isagoo dhaliyey toddoba gool, toban kalena caawiye ka noqday.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*