DEG-DEG: 23ka Halyey Ee Lagu Maamuusayo ‘Xus-sharafeedka’ Ugu Horreeya Premier League {Hall of Fame} Oo Lasoo Saaray

Kaddib Alan Shearer iyo Thierry Henry, waxa si rasmi ah loogu dhowaaqay dhamaan xiddigaha liiska gaaban ee ‘xus-sharafeedka’ ugu horreeya Premeir League ee Hall of Fame oo sannadkan 2021 la bilaabay.

Premier League ayaa hadda soo saaray magacyada dhamaan 23ka helyey ee ciyaaraha hore uga fadhiistay ee lagu daah-furayo ‘Xus-sharafeedka’-ka cusub ee hadda la  bilaabay ee loogu magac-daray Hall of Fame.

Labadii ciyaartoy ee ugu horreeyey ayaa noqday Thierry Henry iyo Alan Shearer, laakiin waxa laga daba keenay 21 ciyaartoy oo hore oo kale oo kasoo bilaabmaya waqtigii horyaalka uu la baxay magaca ‘Premier League’ xilli ciyaareedkii 1992-93.

Paul Scholes, Steven Gerrard, Frank Lampard, John Terry, Eric Cantona, Roy Keane, Patrick Vieira, Rio Ferdinand, Dennis Bergkamp, David Beckham, Nemanja Vidic, Didier Drogba, Michael Owen, Andy Cole, Ashley Cole, Robin van Persie iyo Peter Schmeichel ayaa dhamaantood lagu soo daray liiskan.

Taageereyaasha kubadda cagta ayaa isbeddel ku samayn karaya liiska xiddigahan, waxaanay codkooda kusoo dooran karayaan xiddigaha ay tahay in lagu soo daro, iyagoo codkoodana ku dhiibanaya website-ka Premier League.

Premier League ayaa kaliya yeeshay xulashada koowaad ee shaacinta liiska gaaban, waxaase ay taageereyaashu liiskan ka dhigi doonaan lix ciyaartoy oo noqonaya kuwa codadka ugu badan helay, kuwaas oo noqon doona liiska gaaban.

Lixda ciyaartoy ee liiska gaaban, ayaa kaalinta koowaad lagaga soo xulan doonaa halyeyga ugu codadka badnaada oo lagu abuuri doono ‘Hall of Fame’.

Codbixinta ayaa bilaabmi doonta illaa laga gaadhayo May 9.

Liiska halyeeyada ‘Hall of Fame’ ku tartamaya:

Tony Adams

David Beckham

Dennis Bergkamp

Sol Campbell

Eric Cantona

Andy Cole

Ashley Cole

Didier Drogba

Rio Ferdinand

Les Ferdinand

Robbie Fowler

Steven Gerrard

Roy Keane

Frank Lampard

Matt Le Tissier

Michael Owen

Peter Schmeichel

Paul Scholes

John Terry

Robin van Persie

Nemanja Vidic

Patrick Vieira

Ian Wright

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

1 Fekrad

  1. Waxaan ku weydiinaa mid kamid ah ragii liiga ugu safashada badnaa weligiisna aanan red card qaadan ahna ninka ugu assists badan liiga legend weyna u ahaa kooxda Ingriiska ugu weyn ryan gigs maxaa liiska kuma arkee aaway

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*