12kii Kooxood Ee Samaysay Super League Oo Kulan Deg-deg Ah Caawa Yeelanaya

Dhamaan 12kii kooxood ee samyastay tartankanka European Super League ayaa caawa iskugu imanaya kulan degdeg ah, waxaana la filayaa in dhamaantood ay shaaciyaan in ay ka laabteen qorshihii ay ku hirgelinayeen tartanka.

Kaddib markii ay Manchester City iyo Chelsea shaaciyeen in ay ka noqdeen ka mid ahaanshaha tartanka Super League, waxa bilaabmay qalalaase gilgilay kooxihii hawshan watay.

Ed Woodward ayaa waayey shaqadiisii oo qalalaasahani uu galaaftay, waxaana guddoomiye ku-xigeenka Manchester United uu shaaciyey in uu iska casilay shaqadiisii.

Kooxda reer Spain ee Atletico Madrid ayaa iyadana la filayaa in waqti dhow ay ku dhawaaqdo go’aan la mid ah Manchester City iyo Chelsea, taas oo kooxaha ku hadhsan tartanka ka dhigaysa 9 kaliya.

Manchester United ayaa kaddib is-casilaaddii Edwoodward waxay iyadana la rumaysan yahay in ay haddaba diyaarinayso qoraalka war-saxaafadeed ay ku shaacinayso in ay ka noqotay Super League.

Warbaahinta Ingiriiska ayaa hadda shaaciyey in dhamaan 12ka kooxood ay kulan leeyihiin caawa oo ay go’aan wada-jir ah qaadanayaan, kaas oo ay meesha kaga saarayaan tartanka Super League.

Madaxweynaha Real Madrid ee guddoomiyaha tartanka Super League laga dhigay ayaa la filayaa in uu guddoomiyo kulanka kooxaha, ayna soo wada saaraan bayaan la mid ah kii ay hore ugu shaaciyeen samaynta tartankan, balse markan ah caksigiisa oo ay ku baabi’inayaan.

Inkasta oo ereyo laga fiirsaday lagu qori doono war-saxaafadeedka, isla markaana laga baaqsan doono in si rasmi ah loogu caddeeyo in la kansalay qorshahaas, haddana waxay kooxuhu si midaysan qalinka ugu duugi doonaa in hirgelinta hawahaasi la hakiyey waqti aan la cayimin.

Si kastaba, wixii soo kordha, waxa aad kala socon doontaan halkan oo aanu heegan idiinku nahay illaa waqtiga suurtogalka ah ee lafilayo in warar soo kordhaan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*