DAGAALKA SUUQA: Waa Kuma Xiddigan Aanad Magaciisa Maqal Ee Inter Milan Ka Tirsan Ee Kooxaha Waaweyn Ku Dagaallamayaan?

Arsenal ayaa ka mid noqotay dersin kooxo horyaalka Premier League ah oo ku tartamaya xiddig da’yar oo kasoo baxay kooxda  Talyaaniga ee Inter Milan, kaas oo lagu naanayso ‘New Ibrahimovic’.

Martin Satriano oo ka ciyaara afka hore ayaa waxa uu ka tirsan yahay kooxda da’yarta ee heerka labaad ee Inter Milan ee Primavera 1, taas oo 18 ciyaarood  oo uu u saftay uu u dhaliyey siddeed gool, lix kalena caawiye uga noqday.

Awoodda gool-dhalinta uu uu leeyahay laacibkan ayaa waxay soo jiidatay kooxo badan oo waaweyn oo intooda badan horyaalka Premier League ka ciyaara, laakiin waxa kale oo iyaguna loollanka ku jira kooxo kale oo qaaradda Yurub ah.

Manchester City iyo Chelsea ayaa hore isha ugu hayay Martin Satriano, waxaana ku darsantay Arsenal oo noqotay kooxdii ugu dambaysay ee xiisaheedu soo shaac-baxo. Waxa kale oo liiska kooxaha doonaya ku jira Paris Saint-Germain oo Faransiis ah iyo RB Leipzig oo horyaalka Bundesliga ka ciyaarta.

Inter Milan oo duruufo dhaqaale ka cabanaysa, ayaa la sheegay in ay diyaar u noqon karayso in ay iibiso Martin Satriano haddii ay ku hesho lacag fiican, maadaama sidoo kale aanu boos ka helaynin kooxdeeda koowaad oo ay afka hore ku dagaallamayaan Romelu Lukaku iyo Lautaro Martinez oo ay adag tahay in booska laga riixdo.

Inter Milan ayaa Martin Satriano waxay saxeexiisa ku garaacday kooxo badan oo Yurub ah January 2020 oo ay kasoo iibsatay kooxda reer Uruguay ee Nacional, balse in uu ka ciyaaro heerka labaad ayaa ku keenaysa in uu ka fikiro mustaqbalkiisa.

Martin Satriano ayaan wali kasoo muuqanin kooxda koowaad ee Inter Milan, waxaana uu kaydka ku dhamaystay kulamo badan oo lagu soo daray liiska kooxda.

Tababare Antonio Conte oo dagaal ugu jira sidii ay kooxdu ugu guuleysan lahayd horyaalka Serie A oo ay ugu dambaysay sannadkii 2010kii, isla markaana 11 dhibcood oo nadiif ah ay hoggaanka ku hayaan xilli siddeed ciyaarood hadhsan yihiin, ayaa la filayaa in uu fursad siiyo kulmada ugu dambeeya haddii ay kooxdu xaqiiqsato guusha horyaalka.

Si kastaba, Martin Satriano ayaa ka mid noqday ciyaartoyda lagu dagaallamayo suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaaga soo aaddan.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*