DAAWO Yaabkan: Ronaldo Oo Markale Banka Keenay Sida Uu Laadadka Xorta Ah Uga Baqo & Markii Labaad Mudo Kooban Oo Uu Juventus Jabiyay

Hoggaamiyaha kooxda Juventus ee Cristiano Ronaldo ayay macquul tahay inay xalay u ahayd markii ugu dambaysay ee uu isku dhigay laad xor ah oo kooxdiisa lagu tuurayay kaddib markii uu markale noqday meesha uu ka liito gidaarka Juve ee laadka xorta ah difaacayay.

Ronaldo ayaa lagu sifeeyay inuu yahay khiyaanoole kaddib markii uu kasii jeedsaday bishii hore laad xor ah oo ay kooxda FC Porto ka dhalisay Juventus kaas oo sabab buuxda u noqday inay ka hadhaan UEFA Champions League.

Image

Markale Arbacadii xalay, kulan Serie A ah ayay Juventus guul soo laabasho ah oo 3-1 ah ka heshay dhigeeda Parma kuwaas oo hoggaanka ku qabtay laad xor ah oo ay uga mahad celinayaan Ronaldo oo ka foorarsaday.

Kubadda dhalatay ee laadka xorta ah ahayd ayaa dul martay Cristiano Ronaldo oo aan isagu boodin si lamid ah xiddigaha kale ee garab taagnaa, goolhaye Gianluigi Buffon oo goolka ku jiray ayaan helin wax fursad ah oo uu ku difaaco.

Isla marka uu Brugman kubadda laago, Ronaldo ayaa gacantiisa ku daboolaya kuna qarinaya wajigiisa oo uu kubadda ka ilaashanayay isaga oo aan kor dhulka uga boodayn.

Kulanka kaddib macalin Andrea Pirlo oo la weydiiyay haddii uu eeda goolkaas leeyahay Ronaldo ayaa yidhi “Nasiib darro waxyaabahani way dhacaan, laakiin waanu qiimayn doonaa (Doorkiisa kamid ahaanshaha gidaarka) maalmaha soo socda”

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

2 Fekradood

  1. Ronaldo kubadaas leysku dhigo wuu ja baqdaa waliba lkn waxa ka qaldan ciddi ku tidhi qayb ka noqo ciyaartooyda gidaarka

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*