DAAWO: Waallidii Dhaqan-xumada Ahayd Ee Uu Sameeyey Cristiano Ronaldo Kaddib Guul-darradii Belgium U Xambaarisay Portugal

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa mar kale ku celiyey dhaqan-xumo uu mar hore sameeyey oo canaan badan uu ku mutaystay, taas oo taageereyaashu mar kale goob joog uga ahaayeen hoggaamiyahoodii oo dhamaadka ciyaartii Belgium isla ficilkii samaynaya.

Xulka qaranka Portugal ayaa ka hadhay tartanka Euro iyagoo hal mar oo kaliya badiyey, hal marna barbarreeyey afartii kulan ee ay ciyaareen.

Ronaldo 7

Gool uu masaafo fog ka toogtay Thorgan Hazard qaybtii hore, ayaa Belgium 1-0 ugaga badiyey Portugal kulan Axaddii ka dhacay garoonka Estadio La Cartuja ee magaalada Seville ee waddanka Spain.

Portugal ayaa culays badan ku hayey Belgium qaybtii dambe oo uu dhaawac ku baxay kubbad-sameeyaha Belgium ee Kevin de Bruyne, waxayse awoodi waayeen in ay keenaan goolka barbarraha iyadoo Thibaut Courtois iyo difaaca ka horreeyey ay u babbac-dhigeen culayskaas.

Xulka qaranka difaacanayay koobka Euro ee ay sannadkii 2016 ku guuleysteen waxay iyagoo murugaysan ka baxeen garoonka, iyadoo waliba indhuhu hayaan Cristiano Ronaldo oo muujiyey sida aanu u ahayn hoggaamiye.

Markii uu garsooruhu yeedhiyey siidhiga dhamaadka, Cristiano Ronaldo ayaa iska saaray calaamadda kabtanimada, kaddibna dhulka ayuu ku tuuray isagoo cadhaysan, taas oo uu horena u sameeyey.

36 oo laga sugayay inuu niyadda u dhiso ciyaartoyda xulkiisa ee guul-darraystay maadaama uu yahay kabtankooda, xiddigooda ugu goolasha badan iyo midka ugu guulaha badan ba ee shanta jeer soo ciyaaray tartankan, waxa uu taas beddelkeeda u dhaqmay si aan habboonayn.

Jamaahiirta oo baraha bulshada kaga falceliyey, ayuu mid ka mid ahi soo qoray: “Wow. Waa waqtiga aan dareemo in Ronaldo uu yahay qof xun.”

Mid kale ayaa isaguna qoray: “Daawashada Ronaldo oo garoonka kaga baxaya ciyaartoyda saaxiibbadii, waxay dhigan tahay dareen ah dhamaadka waayihiisii Euro.”

Taageere kale ayaa isaguna bartiisa Twitterka ku yidhi: “Waxa laga yaabaa inay tahay Euro-dii ugu dambaysay ee Ronaldo. Waa murugo inuu sidan oo kael ku dhamaysto.”

Cristiano Ronaldo ayaa rajaynayay inuu jabiyo rikoodhkii gool-dhalinta Ali Daei oo ay barbarro yihiin, min 109 goolna ay dhaliyeen, laakiin nasiib uma yeelan xalay, waxaanu tartanka ka hadhay isagoo shan gool dhaliyey.

Halkan ka daawo ficilka uu sameeyey Ronaldo:

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*