DAAWO: Thomas Tuchel Oo Iska Diiday In Uu Salaamo Thibaut Courtois & Jamaahiirta Chelsea Oo Ku Farxay

Thomas Tuchel ayaa u muuqday in aanu doonayn in uu saaxiibbo ku samaysto Madrid habeenkii xalay, waxaanu iska indho tiray oo uu iska dhaafay in uu slaaamo goolhaye Thibaut Courtois oo gacanta usoo taagay.

Kaamriyooyinka garoonka Alfredo Di Stefano ayaa soo qabtay goolhayaha Real Madrid ee Courtois oo gacanta u fidinaya tababare Thomas Tuchel kaddib markii ay soo dhamaatay ciyaartii Real Madrid iyo Chelsea ee 1-1 ay ku kala baxeen lugta hore ee wareegga siddeedda Champions League.

Courtois ayaa markii ay ciyaartu dhamaatay waxa uu dhex galay ciyaartoyda Chelsea ee uu hore uga midka ahaa, kuwaas oo sheekaysi iyo is xog waraysi saaxiibtinimo iskugu dhageen qaarkood, laakiin markii uu kasii baxayay garoonka ayay iska hor yimaaddeen Tuchel.

Goolhayaha reer Belgium oo aan socodka joojin ayaa go’aansaday in Tuchel uu isagana salaamo maadaama ciyaartoyda kooxda Chelsea uu hore usoo gacan-qaaday, waxaase ku dhacay lama filaan iyo arrin aanu meeshaba soo dhiganin.

Tababare Tuchel ayaa iska dhaafay gacanta Courtois iyo Eden Hazard, waxaanu toos ugu tegay Antonio Rudiger oo ka dambeeyey, waxaanay difaaca ay isku waddanka yihiin ay wada qaateen waqti kooban oo ay ereyo kooban isku weydaarsadeen.

Lama garanayo in Tuchel aanu arkaynin gacanta Courtois usoo taagay iyo in uu si ula kac ah iskaga diiday salaantiisa, hase yeeshee waxa ficilkan soo dhoweeyey taageereyaasha Chelsea oo cadaawad u haya goolyaha reer Belgium oo sannadkii 2018kii ku qasbay Blues in ay iibiso.

Courtois ayaa inkasta oo uu ciyaartoy Chelsea ka tirsan ahaa, waxay qoyskiisu ku noolaayeen magaalada Madrid, waxaana ugu dambayntii uu ku qasbay Blues in ay ka iibiso Real Madrid kaddib markii uu soo dhamaaday koobkii adduunka 2018.

Halkan ka daawo sidii wax u dhaceen:

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*