DAAWO Muuqaal: Yaxaas Soconaya Oo Xerada Tababarka Ugu Galay Toronto FC & Orodkii Ka Dhacay Xiddigaha Kooxdaas

Diyaar-garawgii ay kooxda ree Canada ee Toronto FC ugu jirtay kulanka adag ee ay caawa la leedahay dhigeeda ree Mexico ee Cruz Azul ayuu qasay yaxaas ugu soo galay xerada tababarka.

Toronto FC ayaa xilli ciyaareedkan kulamada horyaalkeeda ee u xisaabsan inay garoonkeeda ku ciyaarayso ku ciyaaraysa magaalada Florida sababtoo ah sharciyada Korona Fayras ee dalka Canada ka jira.

Image

Xiddigaha kooxdaas ayaa la kulmay wax lama filaan ah intii ay ku jireen tababarkii ugu dambeeyay iyadoo yaxaas weyni uu xerada tababarka ugu soo galay.

Magaalada Florida ayaa caan ku ah yaxaasyada waaweyn iyadoo ay dhacdo in marar badan ay qasaan kulamada ciyaarta Golf-ka.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*