Cristiano Ronaldo Oo Tallaabo U Jira Rikoodhkii Abid La Gaadhi Waayey Ee Ali Daei

Xiddiga reer Portugal ee Cristiano Ronaldo ayaa isku sii kulayliyey, isla markaana jidka kusii maray waddanka Israel oo xalay uu waddankiisu ku garaacay 4-0, kuwaas oo uu ka dhaliyey gool uu ugu sii dhowaaday inuu jabiyo rikoodhkii halyeygii reer Iran ee Ali Daei.

Afar gool oo ay kala dhaliyeen Bruno Fernandes (laba gool), Cristiano Ronaldo iyo Joao Cancelo ayaa Portugal ay dhoola-tus kusii sameeyeen maalin ka hor bilowga tartanka Euro 2020 ee Jimcaha bilaabmaya.

Daqiiqaddii 44aad ayaa uu yimid goolka Ronaldo, waxaana markiiba la geliyey buugga taariikhda sababtoo ah waa ciyaartoygii labaad ee abid kulamada caalamiga  ah ka dhaliya goolal intaas le’eg.

Goolkan ayaa ahaa midkiisii 104aad ee uu u dhaliyo xulka qaranka Portugal oo uu u saftay 175 ciyaarood, waxaana qarka u saaran yahay inuu jabiyo rikoodhka ciyaartoyga abid ugu goolasha badan xulalka oo uu haysto halyeygii reer Iran ee Ali Daei.

Ronaldo ayaa u baahan in uu dhaliyo shan gool oo kaliya si uu u gaadho rikoodhka goolasha ee Ali Daei oo 109 gool dhaliyey, isla markaana muddo dheer ahaa ciyaartoyga goolasha ugu badan ka dhaliyay kulamada caalamiga ah.

Cristiano ayaa noqon doona ciyaartoyga looga dambeeyo ee noqon doona midka ugu goolasha badan kulamada caalamiga ah ama xulalka marka uu dhaliyo shanta gool ee laga horreeyo, waxaanay u badan tahay inuu ku jabin karo rikoodhkan inta uu socdo tartanka qaramada Yurub.

Xulka qaranka  Portugal ayaa ku jira Group-ka dhimashada ee tartanka Euro, waxaanay isku hormo yihiin Germany, France iyo Hungry.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*