CODDAYN: Jamaahiirta Kubadda Cagta Oo U Coddeeyay Kooxda Ku Guuleysan Doonta La Liga – Atletico, Real Madrid Mise Barcelona?

Akhristayaasha shabakadda ree Spain ee MARCA ayaa doortay kooxda ay u arkaan mida ku guuleysan doonta horyaalka La Liga xilli ciyaareedkan iyagoo kala xushay saddexda kooxood ee farqiga aadka u koobani u dhaxeeyo ee Atletico Madrid, Real Madrid iyo Barcelona.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa labaduba sameeyay soo laabashooyin weyn si ay u yareeyaan farqiga u dhaxeeyay Atletico Madrid oo hoggaanka haysay halka Sevilla oo booska afraad joogta qudheedu ay hoggaanka horyaalka kaliya lix dhibcood u jirto.

Mazazo a los tres grandes: Atlético, Real Madrid y Barcelona suman... ¡23 bajas!

Laakiin akhristayaasha MARCA oo aragtidooda dhiibtay ayaa aaminsan in Real Madrid ay ku guuleysan doonto horyaalka kaddib coddayn ay shabakaddaasi qabatay markii ay soo dhammaadeen kulamadii toddobaadkani.

Real ayaa coddayntan si muuqata ugu guuleysatay iyadoo heshay 70% kamida codkii ay akhristayaashu bixiyeen halka 26% kamida dadka codka dhiibtay ay qabaan in Barca ay hanan doonto koobka iyadoo kaliya 4% ka soo hadhay ay Atletico Madrid doorteen.

Real Madrid iyo Barcelona ayaa hadda kaliya min hal kulan soo guuldarraystay 20-kii kulan ee ugu dambeeyay ee ay horyaalka kasoo ciyaareen halka Atletico ay soo guuldarraysatay laba kamid ah 10-keedii kulan ee u dambeeyay iyagoo afar kalena bar-bardhac soo galay tobbankaas kulan gudahood.

Waxa ay u muuqataa in kulanka ay Atletico Madrid booqan doonto gegida Camp Nou iyo kooxda Barcelona 9-ka bisha May ay noqon doonto ciyaar wax weyn ka go’aamisa horyaalka La Liga.

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

1 Fekrad

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*