Chelsea Oo Wiil Yar Oo 100 Milyan Ah Doonaysa, Real Madrid Oo Saxeex Weyn Hanatay & Wararkii Ugu Dambeeyay Ee Suuqa

Chelsea ayaa xiisaynaysa saxeexa khadk dhexe ee xulka England iyo kooxda Borussia Dortmund ee Jude Bellingham oo 17 sano jir ah isla markaana ay kooxdaasi 100 Milyan oo pound ku qiimayso. (Eurosport)

Manchester United ayaa la socota horumarka uu samaynayso 20 sano jirka daafaca dhexe ee Leicester City ee Wesley Fofana. (Foot Mercato – in French)

Arsenal ayaa xiisaynaysa 20 sano jirka weeraryahanka ah ee kooxda Inter Milan ee Martin Satriano oo ay sidoo kale Manchester City iyo Chelsea isha ku hayaan. (Mail)

Daafaca ka tagaya Bayern Munich ee David Alaba ayaa heshiis la meel dhigay Real Madrid balse kooxdaas ayaan ku dhawaaqi doonin saxeexiisa ilaa dhammaadka xilli ciyaareedka. (Marca)

Manchester City ayaa heshiis cusub oo uu toddobaakii 100,000 oo pound ku qaadanayo ku abaalmarinaysa da’yarkeeda Phil Foden. (Mirror)

Tottenham ayaa xiisaynaysa 22 sano jirka daafaca midig ee Barcelona ee Emerson oo hadda ku maqan Real Betis oo uu amaah kula joogo. (Mundo Deportivo – in Spanish)

Tababaraha PSG ee Mauricio Pochettino ayaa ku rajo weyn inay kooxda xilli ciyaareedka dambe sii joogi doonaan Kylian Mbappe iyo Neymar Junior. (Cadena SER – in Spanish)

Real Madrid ayaa doonaysa inay iibiso Gareth Bale oo Tottenham amaah ugaga maqan iyo daafaceeda Raphael Varane si ay uga samayso lacagta ay ku doonayso Kylian Mbappe iyo Erling Haaland. (Marca)

Khadka dhexe ee kooxda Arsenal iyo xulka Uruguay ee Lucas Torreira ayaa si cad u sheegay inuu doonayo ku biirista Boca Juniors. (Perfil Bulos)

Barcelona madaxweynaheeda Joan Laporta ayaa aaminsan in hoggaamiyaha kooxdiisa ee Lionel Messi uu kooxda sii joogi doono. (Deportes Cuatro – in Spanish)

Eintracht Frankfurt weeraryahankeeda dhexe ee Andre Silva oo bartilmaameed u ah Man United iyo Atletico Madrid ayaa heshiiskiisa lagu jabin karaa lacag 26 Milyan oo pound ah. (Goal)

Barcelona ayaa sidoo kale la socotay xaalada Silva balse go’aansatay inaysay la saxeexan. (Mundo Deportivo – in Spanish)

RB Leipzig daafaceeda dhexe ee 21 sano jirka ah ee Ibrahima Konate ayaa sheegay inuusan wax xidhiidh ah ka helin kooxda Liverpool lala xidhiidhinayo. (Bild – in German)

Khadka dhexe ee ree Croatia ee Luka Modric oo 35 sano jir ah ayaa heshiis cusub kula heshiiyay kooxdiisa Real Madrid. (AS)

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*