Chelsea Oo Heshay Jawaabta Dalabkii Ay Ka Gudbisay Achraf Hakimi – Miyaa Loo Ogolaaday Inay La Saxeexdaan?

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa diidday dalab £56 milyan oo Gini ah oo ay Chelsea ka gudbisay difaaca midig ee reer Moroco ee Achraf Hakimi.

Xiddiga difaaca midig ee Inter Milan ee Achraf Hakimi oo ay da’diisu tahay 22 jir ayaa tiir-dhexaad u ah dagaalka suuqa iibka ciyaartoyda ee xagaagan, kaddib hal xilli ciyaareed oo uu wacdaro dhigay oo uu u dheelay Inter Milan oo uu horyaalka Serie A kula guuleystay.

Inter Milan ayaa fasaxaysa dersin ciyaartoydeeda waaweyn ah xagaagan, si ay iskaga fudaydiso deynta faraha badan ee lagu leeyahay, waxaana xiddigaha ay iibinayso lagu daray Hakimi sida ay wararku sheegayaan, laakiin qiimaha ay kooxdani ku doonayso ayaa ah mid sarreeya.

Laacibkan oo 12kii bilood ee Inter Milan uu joogay muujiyey qaladka ay samaysay Real Madrid, ayaa waxa maanta dalab ka gudbisay Chelsea, iyadoo miiska u saartay Inter Milan lacag dhan £56.1 milyan Gini oo kale.

Sida uu sheegay Sky Italia, Chelsea iyo PSG ayaa labaduba dalabyo kasoo gudbiyey difaacan reer Moroco, waxaana xusid mudan in labada kooxood ay isku qiime soo gudbiyeen, taas oo keentay in Inter ay diido degdeg ah kaga jawaabto.

Kooxda kubadda cagta Inter Milan ayaa la rumaysan yahay in ay doonayso illaa £70 milyan oo Gini, waxayse wararku tibaaxayaan in Chelsea ay ku horreyso tartanka saxeexa xiddigan, waxaana ay sidoo kale doonayaan in Emerson Palmieri iyo Andreas Christensen ay midkood u bandhigayso inuu qayb ka noqdo laacibkan.

£56 milyan oo Gini oo lagu daray Emerson Palmieri ayaa Inter Milan ku qancin karta inay aqbasho, in Chelsea ay la saxeexato Achraf Hamiki, waxaana marka ay gacanta ku dhigaan laacibkan ay u dhaqaaqi doonaan Erling Haaland oo isaguna ku jira liiska xiddigaha uu doonayo Tuchel.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*