Chelsea Oo Hal Lug La Gashay Semi-finalka Champions League & Mason Mount Oo Isku Qoray Taariikhda Champions League

Chelsea ayaa talaabo weyn u qaaday u soo bixitaanka semi-finalka Champions League iyagoo guul weyn iyo shabaq faaruq ahba ka soo hooyay kulankii ay FC Porto martida ugu ahaayeen dalka Spain ka dib markii ay 2-0 kaga takhaluseen.

Chelsea waxaa hogaanka u dhiibay Mason Mount oo isku qoray taariikhda Champions League madaama uu dhaliyay goolkiisii ugu horeysay abid ee tartanka Champions League, iyadoo guusha uu dhameystiray Ben Chilwell oo goolka labaad saxiixay dhamaadkii ciyaarta.

Natiijadaan ayaa faa’ido weyn u ah Blues oo  hal lug la sii gashay semi-finalka Champions League ka hor kulanka lugta labaad ee ay sibuuca danbe martigelin doonaan FC Porto.

Chelesea iyo FC Porto ayaa ciyaar adag ku dheelay garoonka kooxda Sevilla oo kulankaan la geeyay madaama aan Portugal lagu dheeli karin sababo la xiriira cudurka Korona Fayras.

Ilaa iyo daqiiqadii 32aad ayay ku qaadatay Chelsea inay hogaanka u qabato ciyaarta markii uu Jorginho kubad halis aheyd u dhigay Mason Mount oo si farsamo leh kubada u qaatay ka hor inta uusan shabaqa cusjinin.

Waa goolkii ugu horeeyay waayihiisa ciyaareed ee uu Mason Mount ka dhaliyo tartanka Champions League, iyadoo qeybtii hore ee ciyaarta lagu kala nastay 1-0 oo ay hogaanka ku heysay Blues.

Qeybtii labaad FC Porto oo ay ka maqnaayeen labadooda gooldhaliye ee ugu sareeya Sergio Oliveira iyo Mehdi Taremi ayaa cadaadis saareysay Chelsea si ay u helaan goolka barbaraha.

Chelsea ayaa ku dhawaatay inay hesho gool labaad markii kubad madax aheyd uu goolka ku sigay kabtan Azpilicueta ka dib karoos uu ka helay Reece James.

Christian Pulisic ayaa u dhawaaday inuu Chelsea hogaanka u sii dheereeyo markii uu birta garaacay laakiin Chelsea ayaa heshay gool labaad markii uu shabaqa u soo taabtay iyadoo ciyaarta ay ku soo dhamaatay 2-0 oo ay Blues ku badisay.

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*