Chelsea, Liverpool Mise West Ham? Paul Merson Oo Saadaaliyay Kooxda PL Booska 4-aad Ka Galaysa & Mida Uu Iska Indho-Tiray

Khabiirka kubadda cagta England ahna xiddigii hore ee kooxda Arsenal ee Paul Merson ayaa aragti ka dhiibtay kooxda booska afraad ee miiska kala sarreynta Premier League ku dhammaysan doonta.

53 sano jirkan oo carruurnimadiisii taageere u ahaa Chelsea ayaa aaminsan in uu tartanka booska afraad ka dhaxeeyo labada kooxood ee kala ah West Ham United iyo Liverpool isaga oo si layaab leh iskaga indho tiray kooxda tababare Thomas Tuchel.

Sky Sports Pundit Paul Merson Explained Threats Nearly Caused Him To Quit Social Media

Merson oo la hadlayay kanaalka uu ka hawl galo ee Sky Sports ayaa sheegay in guuldarradii lama filaanka ahayd ee ay Chelsea kala kulantay West Bromwich Albion ay ahayd mid weyn isla markaana ay Hammers geli karaan booska afraad maadaama oo ay ka kulamo fudud yihiin Blues marka la eego kulamada labada dhinac u hadhay.

Paul Merson ayaa yidhi “Ma rumaysan karo natiijada kulankii ay kahor tageen West Brom, waxay ahayd in iyagu (Chelsea) ay kulanka u guuleystaan sababta tartanka afarta sarre, wuxuu ahaa kulan weyn”

“West Ham waxay haysataa mid kamida fursadaha ugu waaweyn taariikhda kooxda ee ay ku galayso afarta sarre iyo Champions League”

“Miyaan filayaa inay iyagu (West Ham) soo bixi doonaan? ma hubo laakiin waxay haystaan kulamadii ay sidaas ku samayn lahaayeen, waxay u dhaxaysaa Liverpool iyo West Ham aniguna waxaan ku adkaysanayaa Liverpool laakiin waxay noqon doontaa mid adag”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*