CEEB WEYNAA: Daawo Muuqaalka Jamaahiirta Schalke 04 Oo Xiddigaha Kooxooda Dariiqa Eryanaya & Waxa Sababay

Kooxda magaca weyn ku dhex leh kubadda cagta Germany ee Schalke 04 ayaa xalay kahor tagtay dhigeeda Arminia kulan go’aaminayay kasii mid ahaanshahooga horyaalka Bundesliga.

Schalke 04 iyo xiddigaheeda ayaa ka warqabay kahor kulanka in haddiiba ay guuldarro kala kulmaan kooxdaas ay u dhaadhici doonaan heerka labaad markii ugu horreysay tan iyo 1988.

Ugu dambayna ciyaaryii ka dhacday garoonka Bielefelder Alm, ayay kooxda martida loo ahaa guul 1-0 ah gaadhay iyadoo Schalke lagaga adkaaday goolkii uu dhaliyay Fabian Klos.

Guuldarradaas ayaa ka dhigan in Schalke ay kaliya laba kulan guulo kasoo gaadhay dhammaan 30-ka kulan ee ay xilli ciyaareedkan ka ciyaartay Bundesliga.

Sidoo kale Schalke ayaa laga soo dhaliyay goolal tiro ka bax ah oo ahaa 76 gool 30-kaas kulan taas oo muujinaysa sida ay u ahaayeen kooxda ugu liidata Germany xilli ciyaareedkan.

Haddaba kaddib markii ay soo dhammaatay kooxdaas ay xalay kaga dhaceen horyaalka sarre ee Germany ayay qaar kamida jamaahiirta mayalka adag ee kooxdaas oo xiddigaha banaanka garoonka ku helay ay magaalada dhex eryadeen qaar kamida ciyaaryahanada iyaga oo dareenkooda cadho qarsan kari waayay.

Halkan Ka Daawo Muuqaalka

 

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*