“Casaankii Valladolid Cadaalad Darro Ayuu Ahaa, Goolkii Dembele Waxa Ay Ahayd……” – Kulankii Ay Barcelona Xalay Guusha Gaadhay Oo Fadeexad Buuxda Lagu Sifeeyay

Kaadhkii casaanka ahaa ee uu xalay qaatay xiddiga Real Valladolid ee Oscar Plano ayaa ahaa go’aan muran badan dhaliyay oo uu qaatay garsoore Santiago Jaime Latre.

Xiddiga Real Valladolid ayaa ahaa mid kaadh casaan ah oo toos ah la siiyay daqiiqadii 79-aad ee kulanka markaas oo ay ciyaartu wali 0-0 ahayd labada dhinacna is-mari la’aayeen.

Image

Khabiirka arrimaha garsoorka ahna garsoorihii hore ee horyaalka La Liga ee Juan Andujar Oliver oo dhacdadaas kaddib shabakadda Marca la hadlay ayaa sheegay in kaadhkii casaanka ahaa ee la siiyay Plano uu ahaa mid qalad ah.

Dhinaca kale Juan Andujar ayaa sidoo kale xusay inay ahayd in goolkii Ousmane Dembele ee daqiiqadii 89-aad yimid ay ahayd in la diido maadaama oo uu ka horreeyay qalad uu galay Jordi Alba.

“Garsooruhu waxa uu ahaa mid aad ugu ad-adag ciyaartoyga Real Valladolid kaddib qaladkii uu ku galay Dembele, maaha casaan isagu dhulka ayuu dhigay balse may ahayn si xun” ayuu ugu horreynba Oliver u sheegay Radio MARCA.

Dhinaca kale Oliver oo ka hadlaya goolkii Barca ayaa yidhi “Waxay ahayd in meesha laga saaro, sababtoo ah 10 il-bidhiqsi kahor waxa jiray qalad uu galay Jordi Alba oo uu ku galay Roque Mesa si uu kubadda dib ugu soo helo”

App-ka cusub ee laacib.net waxaad ka degsan kartaa google play store haatan, wararka degdeg ah waxay kuugu soo dhacayaan mobile-kaaga RIIX HALKAAN SI AAD U DEGSATO

Laacib.net

Noqo Qofka Ugu Horeeya Ee Comment Soo Qora

Aragti Ka Dhiibo Warbixintaan

Email-kaaga Lama Soo Bandhigi Doono.


*